W. arimaha dibada Soomaaliya oo si kulul uga hadashay talaabo Boolisku Qaadey [AKHRI]

Image

MUQDISHO- Kadib markii ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliya damceen iney xafiiskiisa ka kexeystaan Wasiir ku xigeenka Wasaarada arimaha dibada August 4,2018 ayaa talaabadaan waxay khasabtey in Wasaarada kasoo saarto qoraal ay ku cambaareyneyso falkaas iyadoo ku tilmaamntey inuu yahay mid ka fog nidaamka dowladnimo.

Mukhtar Maxamed Mahad Daa'uud, Wasiir ku xigeenka Wasaarada Arrimaha Dibadda ayaa waxaa Xafiiska Hanti Dhowrka iyo midka Xeer-ilaaliyaha ayaa waxay kasoo kasoo gudbiyeen dacwad ku aadan eedeymo "Musuq maasuq" kuwasoo ay sheegeen inay wadaan baaristiisa muddo afar bilood.

"Wasaaraddu waxa ay beeninaysaa dhammaan eedeymaha xaqiiqda ka fog ee lagu asteeyay waxa loogu yeeray Musuq maasuq ee warbaahinta ay mariyeen Hantidhowrka guud iyo Xeer ilaaliyaha guud," ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka kasoo baxay Wasaarada.

Wasaaradda ayaa ku tilmaamtay falkii ay ciidamadda Booliska Soomaaliya ay sida xooga ugu soo galeen Wasaarada Arrimada Dibada waxay ku tilmaameen "mid lagu dhaaacayo kalsoonida iyo wadashaqeynta u horey loo abuurey sidii dib loogu soo celin lahaa haybada Wasaarada."

Eedaymaha ka dhanka Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayay Wasaaradda ku sheegay inay yihiin kuwo lagu dhaawacayo sharafta iyo Haybadda Mukhtaar Mahad Daa'uud, islamarkaana Hanti Dhowrka iyo Xeer-ilaaliyaha aysan u haynin kiiskaan wax caddeymo ah.

"Waan cambaareynayaa falkii ciidamada Booliska ku galeen Wasaarada, ayna kusoo xireen Wasiir ku xigeenka. Xeer-ilaaliyaha iyo Hanti Dhowrka wax caddeymo ah uma hayaan sheegashooyinkooda. Waxayna doonaya inay dhaawacaan sharafta masuul dowladeed iyo mida Wasaarada oo horey loo dhaawacay," ayaa lagu yiri bayaanka.

Xiisada ka abuurantey eedeeynta Wasiir ku xigeenka Wasaarada loo soo jeediyey ayaa waxaa sida wararka lagu helayo dacwo ahaan Wasarada ugu gudbisay guddiga Barlamanka Federaalka u qaabilsan arimaha dibada kuwasoo kulamo la qaatey madax ka tirsan Wasaaradaan.

Ra'isal wasaraaha Soomaaliya ayaa soo faragaliyey dhacdadaan inta uu ku sugnaa magaalada Garowe isagoo amrey in ciidamadii Booliska oo damacsanaa iney qabtaan ku xigeenka Wasaarada arimaha dibada ka dalbadey iney dib uga noqdaan.

Lama oga cidda dabada ka riixeysa xiisadaan laga abuurey Wasaarada balse warar ayaa jira sheegaya iney ku lug leeyihiin qaar ka tirsan saraakisha Wasaarada iyo Wasiirka Maaliyada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamadda Puntland oo qabtey nin ku hubaysan walxaha qarxa

Howlgalkan ayaa xalay saqdii dhexe waxa uu ka dhacay qeybo kamid ah magaalada Boosaaso.

  • Puntland

    13-05-2024

  • 05:32PM

Puntland iyo Sweden oo ka shiray iskaashi dhanka mashaariicda horumarinta

Madaxweyne Deni ayaa Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Safiirka Dowladda Sweden ee Soomaaliya, Joachim Waern.

  • Puntland

    13-05-2024

  • 03:34PM