Waaberi: Juxa hadduu run sheegayo haku laabto Sin-u-Jiif

Image
Musharaxa ayaa ku biiray siyaasiyiin su'aal ka keenay is-diiwaan-gelin uu dhowaan sameeyay wasiirka.

GAROWE, Puntland - Xubnaha Madasha Siyaasadda Puntland oo warfidiyeenka kula hadlay magaalada Boosaaso ayaa ka digay diiwaan-gelinta doorashada oo horey ay u qaadaceen afar urur siyaasadeed.

Murashax Cumar Ismaaciil Waabari oo kamid ah xubnaha hadlay ayaa si gaar ah u xusay in wasiirka arimaha gudaha Puntland, Cabdi Faarax Saciid (Juxa) uu iska diiwaan-geliyay degaan uusan daganayn.

"Juxa hadduu run sheegayo Sin-u-Jiif haku laabto," ayuu sii raaciyay murashax, Cumar Ismaaciil Waabari, oo dhanka kale ku tilmaamay in xukuumaddu bilawday isku guur-guurka dadka.

Siyaasiyiintan ayaa dhawaanahan kulamo xiriir ah oo dhawr maalmood socday la yeeshay qaybaha kala duwan ee bulshadda ku sugan Boosaaso iyaga oo walaac ka muujiyay xaaladda Puntland.

Danjire Cabdirisaaq Axmed Shoole oo isna kamid ah madasha ayaa wareysi uu siiyey Garowe Online waxa uu walaac kaga muujiyay is-diiwaan gelinta wasiir Juxa isaga oo ku tilmaamay "mid la-yaab leh".

Shoole ayaa yiri: "Lix saac oo habeenimo ayaa ku qoran warqada uu isku diiwaan geliyay wasiirku, bal waa xagee seejada is-diiwaan-gelin ee xiligaas furan".

"Sidee loogu kalsoonaan karaa qalabka ku jira gacanta guddiga doorashada," ayuu sii raaciyay Shoole oo afka ku balaariyay in aysan hanaanka wax u socdaan dadweynaha Puntland gaarsiineyn meel wanaagsan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne kux-geenka dowladda Puntland oo ka hadlay Shirka Nabadda ee PDRC

Shirka Nabadda ee PDRC oo socon doona saddex cisho, ayaa sidoo kale diirada lagu saari doonaa isbadalka Cimilada.

  • Puntland

    21-09-2025

  • 12:59PM

Puntland oo Ka Digtay Saameynta Isbedelka Cimilada iyo Faragelinta Dowladda Federaalka

Dhanka kale, Wasiirka ayaa eedeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya, isagoo sheegay in faragelinta siyaasadeed.

  • Puntland

    21-09-2025

  • 11:29AM