Waanwaan laga dhex wado beelihii ku dagaallamay Taleex

Image

April 23, 2015 (GO)- Waanwaan ayaa laga dhex wadaa beelo walaalo aho oo labo maalmood kahor uu dagaal ku dhex maray degmada Taleex ee gobolka Sool.

Odayaal dhaqameed, culimaa'uddiin iyo aqoonyahanno kasoo kala jeeda labada dhinac ayaa 24tii saac ee lasoo dhaafay waxaa u socdey shirar gaar gaar ah.

Shirarkaas waxaa diirrada lagu saaray sidii xaaladda loo qaboojin lahaa islamarkaana looga baaqsan lahaa dagaal mar kale dhaca.

Sheekh Maxamed Aadan (Taqille) oo kamid ah culimada ka qayb qaadaneysa waanwaantan ayaa BBC-da u sheegay in xabbad joojin kumeel gaar ah labada dhinac ay kala dhex dhigeen, islamarkaana dadaal ugu jiraan sidii colaaddaas xal waara looga gaari lahaa.

Dhanka kale, waxaa degmada Taleex soo gaarey ciidamo ka socda Somaliland. Ciidamadan oo tiradoodu ay boqollaal gaareyso ayaa fariisin ka sameystey duleedka Taleex.

Dagaalkii dhacay Talaadii lasoo dhaafay, waxaa ku geeriyoodey shan qof waxaa sidoo kale ku dhaawacmay shan qof oo kale.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM