Waanwaan laga dhex wado beelihii ku dagaallamay Taleex

Image

April 23, 2015 (GO)- Waanwaan ayaa laga dhex wadaa beelo walaalo aho oo labo maalmood kahor uu dagaal ku dhex maray degmada Taleex ee gobolka Sool.

Odayaal dhaqameed, culimaa'uddiin iyo aqoonyahanno kasoo kala jeeda labada dhinac ayaa 24tii saac ee lasoo dhaafay waxaa u socdey shirar gaar gaar ah.

Shirarkaas waxaa diirrada lagu saaray sidii xaaladda loo qaboojin lahaa islamarkaana looga baaqsan lahaa dagaal mar kale dhaca.

Sheekh Maxamed Aadan (Taqille) oo kamid ah culimada ka qayb qaadaneysa waanwaantan ayaa BBC-da u sheegay in xabbad joojin kumeel gaar ah labada dhinac ay kala dhex dhigeen, islamarkaana dadaal ugu jiraan sidii colaaddaas xal waara looga gaari lahaa.

Dhanka kale, waxaa degmada Taleex soo gaarey ciidamo ka socda Somaliland. Ciidamadan oo tiradoodu ay boqollaal gaareyso ayaa fariisin ka sameystey duleedka Taleex.

Dagaalkii dhacay Talaadii lasoo dhaafay, waxaa ku geeriyoodey shan qof waxaa sidoo kale ku dhaawacmay shan qof oo kale.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni: Dalal Shisheeye ayaa doonaya inay Burcad-badeednimada u Adeegsanaya Boobka Khayraadka Puntland

Deni ayaa sidoo kale xusay hawlgalladii hore ee ciidamada badda ee dalalka shisheeye ay ka fuliyeen xeebaha Soomaaliya.

  • Puntland

    31-08-2026

  • 06:09AM

Dhulgariir cabbirkiisu yahay 6.0 oo ka dhacay xeebaha Puntland

Wasiirku wuxuu intaas ku daray in dadka dhulka ku nool aysan dareemin gariirka, sababo la xiriira fogaanta uu dhulgariirku ka dhacay.

  • Puntland

    30-08-2026

  • 11:53AM