Wada shaqaynta Booliska iyo Shacabka Pl oo kor loo qaadayo

Image

Sep, 30, 2014 (GO)- Xarunta wasaradda Amniga Puntland ee Garowe ayaa maanta oo Talaado ah waxaa lagu qabtay tababar looga hadlayo is-dhexgalka booliska iyo shacabka si nabadgalyada looga wada shaqeeyo.

Wasiir ku xigeenka Amniga, madaxa CID-da, saraakiil ka tirsan ciidamada iyo qaar ka mid ah shacabka magaalada Garowe ayaa kasoo qayb galay tababarkan oo todobo maalin soconaya ayna bixinayaan khubaro aqoon u leh arrimaha isdhexgalka bulshada iyo booliska oo ka socda xarunta CID-da ee magalada Garowe.

Cabdicasiis Aadan oo furitaanka tababarkan ka hadlay ayaa sheegay inay muhiim tahay is faham buuxa oo dhexmara shacabka iyo ciidanka Amniga, wuxuuna intaas ku daray in adkeynta amniga shacabku laf-dhabar u yihiin.

Qaar ka mid ah dadka ka qayb  galay tababarkan oo la hadlay GO ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin helitaanka macluumaad ku saabsan waxa ka dhaxeeya booliska iyo shacabka. Ka qaybgelayaasha ayaa sidoo kale sheegay inay kaalin muuqata ka qaadan doonaan ka hor tagga codowga Puntland.

Agaasimaha Guud ee Wasaradda Amniga Cawad Xasan ayaa shacabka ugu baaqay inay ka hor tagaan in cadowgu kusoo dhex dhuunto isagoo ku booriyey bulshada inay soo sheegaan wax kasta oo sheki geliya

Puntland ayaa qaaday talaabooyin dhowr ah oo lagu adkaynayo amniga magaalooyinka waawayn, kadib markii horraantii bishan September duqayn cirka ah Maraykanka ku dilay hoggaamiyihii hore ee Al-Shabab Axmed Cabdi Godane.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo duqeyn cirka ah ka fuliyay Buuraleyda CalMiskaad ee Puntland

Ciidanka Mareykanka ma aysan shaacin tirada khasaaraha ama faahfaahinta howlgalka, iyaga oo xusay cabsi amni.

  • Puntland

    29-10-2025

  • 09:31AM

Madaxweyne Deni oo ku dhawaaqay in Daacish looga adkaadey Dagaalka Calmiskaad

Si kastaba ha ahaatee, ilo maxalli ah ayaa sheegay in dagaalyahannadu weli ku dhuumaalaynayaan deegaanka.

  • Puntland

    25-10-2025

  • 01:36PM