​Waddo xarigga laga jaray magalada Bosaso

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

BOSASO- Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo weheliyaan wufuudda maanta soo gaartay magalada Bosaso xarunta gobolka Bari iyo maamulka degmada ayaa xarigga ka jaray waddo laami ah oo laga hirgaliyay magaaladaasi.

Jidkan ayaa dhererkiisu dhanyahay 2KM iyo 300M, waxaana dhaqaalaha lagu dhisay bixisay dowladda Talyaaniga iyadoo ay fulisay hay'adda UN-HABITAT.

Madaxweyne Gaas, ayaa munaasabadda furitaanka ka sheegay inuu  ku faraxsanyahay dhismaha jidkan, wuxuuna sheegay in xukuumaddiisu mudnaanta siinayso hormarinta kaabayaasha dhaqaalaha Puntland.

Wuxuu tilmaamay in wadadan qayb ka tahay mashaariicda lagu hormarinayo xarunta ganacsiga Puntland ee Bosaso, wuxuuna shacabka iyo maamulka kula dar-daarmay inay mas'uuliyad ka saarantahay ilaalinteeda.

Safiirka Talyaaniga ee Somalia Fabrizio Marcelli, ayaa Puntland ku ammaanay hormarka ka jira, wuxuuna sheegay inay farxad u tahay ka qayb galka furitaanka mashruuc dhaqaalihiisa ay bixisay dowladda Talyaaniga.

Wasiirka Dekedaha, mas'uuliyiinta gobolka Bari iyo ka degmada Bosaso, ayaa dhankooda ka hadlay wadadan iyo muhiimadda ay u leedahay magalada xeebeedka ganacsiga Puntland, waxayna u mahadceliyeen dhinacyadii ka qayb qaatay dhammaystirka iyo hirgalinta wadadaasi.

Laamigan ayaa isku xiraya Jidka Soddonka iyo wadada marta bartamaha magalada Bosaso.

GAROWEONLINE

Related Articles

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM

Wasiir Axmed Maclin Fiqi oo jawaab ka helay Puntland

Khilaafkan ayaa sidoo kale saameyn ku yeeshay dadaallo lagu doonayay in lagu xalliyo murannada ka taagan hannaanka doorashooyinka.

  • Puntland

    01-02-2026

  • 12:41PM