​Wafdi kasocda IGAD oo Garowe soo gaaray

Image

GAROWE- Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar Camay, ayaa magaalo madaxda Puntland ee Garowe kusoo dhaweyay wafdi katirsan IGAD oo uu hogaaminayay Xoghaya guud ee Maxbuub Macallin.

Xubnahaasi waxaa sidoo kale weheliya safiirka dowladda Somalia ee dalka Kenya.

Xubnahan ayaa soo dhaweyn kadib loo gudbiyay xarunta madaxtooyada Puntland, waxayna kulan albaabadu u xiranyahay la leeyihiin madaxda Puntland, iyadoo warar aan helayno sheegayaan in safarkoodu salka ku hayn arrinta wafdiga Federalka u jogaan caasumada Puntland ee 4.5.

Madaxtooyada Puntland oo shirku kasocdo, waxaa ku sugan warbaahinta oo goordhow la siin doono xogta ku aadan safarka wafdigaasi.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM