Wafdi PL ka socda oo ka warbixiyey shir ay Nairobi kaga soo qayb galeen

Image
Image

December 13, 2014 (GO)- Wafdi ka socda Puntland oo maalmihii u dambeeyey hawlo shaqo u joogey dalka Kenya ayaa maanta dib ugu soo laabtey magaalo madaxda Puntland ee Garowe.

Wasiirka Arimaha Gudaha Axmed Cilmi Cismaan Karaash oo wafdigaas hogaaminayey ayaa ka warbixiyey ujeedada booqashadii ay Kenya ku tageen iyo weliba waxyaabaha usoo qabsoomay mudadii ay halkaas ku sugnaayeen.

Karaash ayaa sheegay inay Nairobi kaga soo qabyb galeen shir muhiim ah oo ku saabsanaa barnaamijka horumarinta degmooyinka ee JPLG oo sanadka 2015-ka saddex degmo oo cusbi kusoo biiri dooraan.

Wasiirku wuxuu sidoo kale sheegay inay kulamo gaar gaar ahaa lasoo yeesheen diblumaasiyiin ka socdey dalalka Maraykanka, Denmark iyo UK, si gaar ah wuxuu sheegay inay u qaabileen mas'uuliyiin ka socdey hay'adda USAID oo sida qorshuhuh yahay dhowaan Puntland xafiis ka furan doonta.

Wasiirka Qorsheynta Cali Axmed Faatax oo isna wafdigaas qayb ka ahaa ayaa sheegay in ay Nairobi kula soo kulmeen madaxda Bankiga Aduunka ayna kala hadleen sidii Puntland saamigeeda looga siin lahaa dhaqaale uu bangigu Soomaaliya u ballan qaaday.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM

Puntland oo Qabanaysa Shir Ku saabsan Dhismaha Dawladnimada Soomaaliya

Madaxweyne Deni ayaa intaa ku daray, “Siyaasiyiintu mararka qaar waxay leeyihiin danahooda gaarka ah.

  • Puntland

    11-12-2025

  • 09:39AM