Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Amniga DFS oo Boosaaso Gaaray [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
BOOSAASO, Puntland- Wafdi kasocda dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta soo gaaray magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, halkaasoo ay maalmihii u dambeeyay kusoo qulqulayeen wufuud kala duwan.
 
Mas'uulyiintan oo uu hogaaminayya wasiirka Amniga Gudaha dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa isugu jira, Xildhibaano katirsan labada aqal, wasiirro, Ganacsato iyo salaadiin, waxaana qorshaha safarkooda lagu sheegay ka qayb galka Munaasabad caleemo-saar oo barri la filayo inay ka dhacdo degmada Carmo ee gobolka Bari.
 
Wasiirka Amniga dowladda Soomaaliya, Maxamed Abuukar Islow Ducaale, ayaa faah faahiyay socdaal maanta ay kusoo gaareen magaalada Boosaso, xubno katirsan golayaasha fulinta, sharci dajinta iyo aqalka Sare ee dowladda Soomaaliya.
 
Islow ayaa sheegay inay u yimaadeen Boosaaso ka qayb galka Caleemo-saarka Beeldaajaha Guud ee beelaha Cali Saleebaan, Beeldaaje Maxamed Beeldaaje Ismaaciil.
 
“Marka hore Waxaan doonayaa in aan u mahadcelino mas’uuliyiinta maamulka magaalada Boosaaso iyo Dowlad Goboleedka Puntland sida diiran oo ay inoo soo dhaweeyeen,waxaa wafdiga ka socda Xukuumadda oo aniga aan hoggaaminayo uu ka kooban yahay wasiiro xildhibaanada Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare,ganacsato,salaadiin,waxaan halkani u nimid in aan ka qeybgalno caleema saarka Beeldaaje Maxamed Ismaaciil C/llaahi waxaan leenahay hambalyo," sidaas waxaa sheegay Wasiir Islow.
 
Isagoo sii hadlaya, wuxuu tilmaamay in xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay markasta garab taagantahay dhaqanka maadaama ay aas-aas u yihiin dowaldnimada waddanka.
 
"Xukuumaddu markasta waxaa ay garabtaagan tahay dhaqanka Soomaaliyeed maadaama ay yihiin aas-aaskii xukuumadaha laga soo bilaabo Carta,anigoo ku hadlaya magaca Xukuumadda waxaan leeyahay hambalyo” ayuu sii raaciyay hadalkiisa Wasiir Islow.
 
Wafdigan ayaa safarkooda la filayaa inuu qaato labo cisho, waxaana ay ka qayb gali doonaan Caleemo-saarka Beeldaajaha oo barri ka dhici doona sida la qorsheeyay magaalada Carmo ee gobolka Bari.
 
Dhinaca kele, waxaa horay u yimid magaalada Boosaso oo usii gudbay degmada Carmo xubno horay ugasoo mid noqday dowladda Federaalka Soomaaliya oo uu kamid yahay wasiirkii hore ee Gaashaandhiga Cabdulqaadir Diini.
 
In kabadan 1000 qof oo mas'uuliyiin, siyaasiyiin, salaadiin, waxgaradka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa lagu casuumay Caleemo-saarka Beeldaajaha.
 
GAROOWE ONLINE

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM