Wajigii koowaad ee Shirka Tana Forum oo soo gaba gaboobey

Image
Image

April 19, 2015 (GO)- Magaalada Bahir Dar ee dalka Ethiopia waxaa weli ka socda shirka sanadlaha ah ee Tana Forum oo ah shir lagu gorfeeyo ammaanka dalalka Afrika gaar ahaan kuwa ku yaalla Geeska Afrika.

Madax badan oo Africa iyo caalamkaba ka socda ayaa shirka lagu casumey, waxaana sanadkan looga hadlayaa xiriirka ka dhexeeya diimaha iyo xagjirnimada. Cinwaanka guud ee shirka ayaa ah (Cilmaaniyadda iyo Caqiidada Siyaasadeysan).

Madaxda shirkan ka qayb gashay waxaa kamid ah Ra'isal Wasaaraha Ethiopia Hailemariam Desalegn, Ra'isal Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Sharma'arke iyo Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta.

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo marti ku ah shirka ayaa muddadii uu socday waxa uu kulammo gooni gooni ah la qaatay madaxda wadamada Afrika qeybtood waxaana kamid ahaa Ra'isal Wasaaraha dalka Ethiopia Hailemariam Desalegn.

Madaxweyne Gaas ayaa mas'uuliyiinta uu la kulmay kala hadlay arrimo ay ugu muhiimsan yihiin sidii Puntland looga taageeri lahaa dhinacyada horumarka, xoojinta amniga iyo la dagaalanka argagixisada.

Wafdiga Puntland waxay dib ugu laabanayaan marka uu shirku dhammaado magaalada Adisababa, halkaasoo Madaxweynuhu kulammo kula qaadanayo madaxda ugu sarreysa dalka Ethiopia iyo masuuliyiin kale.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxay Tahay Tallaabada ay Puntland Qaadeyso Haddii Dowladda Federaalka Faragelin ku Sameyso Amnigeeda?

Madaxweynaha dowladda Puntland ayaa sidoo kale sheegay in ciidamadda Puntland ay heegan buuxa ku jiraan...

  • Puntland

    01-07-2026

  • 11:03AM

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM