Waqtiga doorashada gudoomiyaha Barlamanka Puntland oo la shaaciyay

Image

07 November, 2015(GO)-Qoraal ka soo baxay guddiga loo xil saaray doorashada gudoomiyaha Barlamanka Puntland ayaa lagu shaaciyay waqtiga la qaban doono doraashada.

Waxaa guddigu iclaamiyay in 19 bishan, maalin Isniin ah galinka dambe la qaban doono doorshada gudoomiyaha Barlamanka Puntland.

Inta laga warqabo, waxaa u sharaxan jagadan Gudoomiyaha Barlamanka Puntland, saddex xildhibaan oo kala ah; Axmed Cali Xaashi oo horay u soo noqday gudoomiyaha Barlamanka xilli xukuumaddi Cadde Muuse, Xildhibaan Cadixakiim Dhoobo-daareed oo jagadan markii labaad u sharaxan iyo Maxamed Axmed oo ka mid ah mudanayaasha Barlamanka Puntland.

Hadal haynta ugu badan deegaanada Puntland ayaa ah cidday dooran doonaan Xildhibaanada Puntland, ka dib is-casilaadii Siciid Xasan Shire.

Xukuumadda Puntland, ayaa dhinaceeda loolan ugu jirta, sidii loo dooran lahaa gudoomiye la jaan qaadi kara hawlaheeda, balse waxaa laga dhu-rsugi doonaa cidda ku soo baxda kursigan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM