Wararkii ugu dambeeyay dilka Muwaadiniinta Itoobiya ee Boosaaso

Image

BOOSAASO, Puntland - Rag ku hubeysan Bastoolado ayaa bartamaha magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ku dilay saddex ruux oo u dhalatay Itoobiya, iyadoo hal ruux oo kale ay ku dhaawacmeen weerarka.

Saraakiisha amaanka Boosaaso ayaa u sheegay warsidaha Garowe Online in gacan ku dhiiglayaasha falkaan ka dambeeyay ay goobta ka baxsadeen saacado kahor inta aysan imaanin hay'addaha nabad-gelyadda.

Kooxda hubeysan, oo aan la garaneynin cida ay katirsan yihiin ayaa weerar ku qaadey dadka kasoo jeeda Itoobiya xilli ay fadhiyeen goob ganacsi xalay fiidkii, halkaasi oo lagu toogtey saddex kamid ah dadkaasi.

Ma jiro cid sheegatay mas'uuliyadda falkaan, balse, qoraal lasoo dhigay barta Twiitter-ka ayaa Daacish ku sheegatay inay ka dambeysay falkan dadkan Itoobiyaanka ah lagu beegsaday.

Dilkaan kusoo aadaya xili todobaadyadii u dambeeyay ay martigelineysay Boosaaso falalka lidka ku ah amniga iyo dilal qorsheysan, kuwaasi oo laamaha amaanka aysan illaa iyo haatan cidna usoo qaban.

Boosaaso oo maamuladii isaga kala dambeeyay Puntland ay ahayd xaaladeed mid nabad-gelyo ah ayaa tan iyo markii uu yimid midka Cabdiwali Gaas waxaa kusoo kordhayey dilalka qorsheysan iyo weeraro argagaxiso.

Cabdiwali Gaas ayaa labo maalin kahor kasoo tagay Boosaaso, iyadoo meel ku dhaw xarunta maamulka magaalada lagu dilay Askari kamid ahaa ciidamada ilaalada madaxtooyadda Puntland, halka mid kale lagu dhaawacay weerar koox hubeysan ku qaadey xilli meel laga dukaameysto ay ku sugnaayeen.

Amaanka ayaa kamid ah waxyaabaha ugu waa wayn ee uu ku fashilmey maamulka haatan jira oo muda xileedkiisa uga hartay 3 bilood, waxaana mudadii uu xafiiska joogey degaanada Puntland ku xoogeysatay kooxaha argagxisadda ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM