Wararkii ugu dambeeyey dagaal dib ugu qarxey Gaalkacayo

Image

3 Dec, 2015 (GO)- Wararkii ugu dambeeyey magaalada Galkacayo ayaa sheegaya in dagaal rasaasta hubka noocyadiisa kala duwan la isku waydaarsanayo.

Guddiyadii u xilsaarnaa kala qaadista ciidamada Puntland iyo Galmudug ayaa ku howlan xabad joojin cusub labada dhinac la dhexdhigo. 

Wararka hada na soo gaaraya ayaa xusaya in dagaalka culus yahay rasaas xoogan laga maqlayo magaalada gudaheeda. Illaa iyo hadda waxaa la xaqiijiyey in 6 qof ku geeriyoodeen dagaalka, uuna jiro dhaawac intaas ka badan. 

Lama oga khasaraha dhabta ah, maadaama weli dagaalka uu socdo, waxaana suurta gal ah inuu intaas ka badan yahay.

GAROWEONLINE kala soco wararka ugu dambeeyey dagaalka Galkacayo

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM