WAREYSI: Farole oo ka hadlay arimaha doorashada Somalia

Image

GAROWE, Puntland- Madaxweynihii hore Puntland, hadana ah murashax iyo Xildhibaan Aqalka Sare ee Barlamanka Federaalka Somalia, Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Maxamud Farole, ayaa waraysi uu siiyay golaha gorfaynta siyaasadda Somalia ee loo yaqaano 1960, kaga hadlay arrimo kala duwan oo xaaladda Somalia la xiriira.

Murashax ayaa ugu horayn warbixin kooban golaha ka siiyay xaaladda dalku hadda ku jiro, maadaama uu joogo Somalia, wuxuuna sheegay in waddanka abaar laxaad leh ka jirto, dooorashooyina ka socdaan.

Farole, ayaa mar uu milicsaday marxaladihii dalka Somalia soo maray, ayuu sheegay inay dadaal u galeen sidii dalkan loo samatabixin lahaa islamarkaana horseed uga noqon lahaa in la helo xalkii la is oran karay waa looga gudbi karaa  dhibaataas [Federaal], kaasoo sida uu hadalka u dhigay uu ahaa odaygii ka dambeeyay in dalka laga hirgaliyo.

Wuxuu sheegay isagoo cuskana aqoonta uu u leeyahay shacabka Somaliyeed iyo khibradiisa shaqo inuu waddankan burbursan mudada dheer kusoo dabaali doono hormar iyo in laga gudbo dhibaatooyinka jira, isagoo xusay in ajandihiisa siyaasadeed uu jeedin doono waqtiga doorashadu dhacayso.

Madaxweynahii hore oo wax laga waydiiyey misuqmaasuqa la xiriira xildhibanada ayaa sheegay in doorashadaan tahay mid dhibkeeda ka yimid qaabka markii hore loo dajiyey nidaamka doorasho ee dadban kaasoo keeney in odey dhaqameedyadii horey u jirey lagu kordhiyo ergooyin.

Cabdiraxmaan Farole, ayaa saluug ka muujiyay siyaasadda dalka kasocota gaar ahaan arrimaha ay wadaan madaxda waqtigu ka dhammaaday [Doorashada], isagoo tilmaamay in masiirkii shacabka gacanta loo galiyay rag doonaya inay soo laabtaan mar kale, sidaasna ay ku samaysteen dhammaan tallaabooyinkii ay is oran kareen waa la idin ku dooran doonaa.

Dhageyso wareysiga madaxwynihii hore ee Puntland kasoo  dhinacyo badan taabanayey. 

GAROWEONLINE 

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM