Axmed Maxamad Cali "Kismayo" oo ku geeriyooday dalka India

Image

HYDERABAD, India - Waxaa saaka oo Arbaco ah India ku geeriyooday Allah ha u naxariistee Wariye Axmed Maxamed Cali (Axmed Kismaayo), oo mudo kusoo jiray Saxaafada Somalia. 

Qoyskiisa ayaa xaqiijiyay in Marxuumka uu ku dhintay Qolkiisa Hotel ku yaalla magaalada Hyderabad, halkaasi oo dhawaan loo geeyay in looga daweeyo xanuun aan wali la shaacin. 

Wararka ayaa sheegaya in AUN Axmed Kismaayo muddo laga hayey  Cunaha ah, kaasi oo ugu dambeyntii maanta uu ugu geeriyooday Isbitaalka Hyderabad, isagoo horey loogu  sameeyay qaliino kala duwan. 

Saraakiil katirsan maamulka Puntland iyo bahda Saxaafadda, ayaa ka tacsiyadeeyay geerida Axmed Kismaayo, waxayna alle uga baryeen inuu Janadiisa Fardowso ka waraabiyo. 

AUN Axmed Kismaayo wuxuu kusoo biiray Mihnada Saxaafada sanadkii 1980, isagoo kasoo shaqeeyay Radio Muqdishu, BBC Laanteeda Afka Soomaaliga oo uu ku biiray 1999. 

Waxa uu Marxuumka Agaasime kasoo noqday Puntland TV 2013-kii. 2016 waxaa loo magacaabay Gudoomiyaha Gudiga Doorashooyinka Puntland, xilkaasi oo bilooyin kadib isaga casilay sababo shaqsi. 

AUN Axmed Kismaayo, oo ahaa nin caan ah, oo laga yaqaano deegaanada Afka Soomaaliga looga hadlo, gaar ahaan Puntland, ayaa qoray Buugaag ay kamid yihiin Hoygii Samata-baxa iyo Layliga Suxufiga. 

GAROWEONLINE

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM