Wariye Jamac Deparani oo la sii daynayo

Image

29 November, 2015(GO)-Wariye Jamac Yusuf Deparani oo muddo dhan 10 Bari ku xirnaa magalada Garowe, ayaa wararku sheegayaan in maanta la soo dayno, ka dib dadaalo ay galeen ururka Saxaafadda Puntland, wariyaasha iyo ururada xuquuqda u dooda.

Xafiiska ilaalinta ayaa la filayaa inay goor dhaw soo saaro waraaq lagu sii daynayo Deparani, kaaso horay loogu gudbiyay xabsiga weyn ee magalada Garowe, isagoo aan la soo taagin maxkamad.

Xariga Wariye Jamac Deparani, ayaa sababsaday waraysiyo kala duwan oo ka qaaday wasiirrada wasaaradda warfaafinta Puntland iyo Arrimaha Gudaha Federalka Somalia kuwaasi oo ka hadlay arrimo kala gadisan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM