Wariye lagu xiray magalada Garowe

Image

Ciidanka ammaanka magalo madaxda Puntland ee Garowe ayaa xalay xabsiga u taxaabay Faadumo Yuusuf Taxadar oo ka mid ah wariyaasha Bosaso.

Xariga Taxadar ayaa wararka dhanka dowladda aanu ka helayno sheegayaan inuu salka ku hayo war qaldan ay ka gudbisay ciidankii caraysnaa ee talaadadii lasoo dhaafay gacanta ku dhigay Puntland Tv taasoo u dhigtay in ciidankaasi ay shaqalaha ku amreen inay horay usoo qaataan agabka fudud.

Waraysigan ayay siiyay VOA oo ka mid ah warbaahinta buunbuniya wararka aan salka iyo raadka lahayn ee Puntland ka jira waxayna wariyahani ku sheegtay in ciidankani ay yihiin ciidan maleeshiyo ah taasoo keentay in dowladda ay ka xumaado.

Ma aham wariyihii ugu horeeyay oo Garowe lagau xiro waxaase socda dadaalo ururka suxufiyiinta Puntland ee MAP ay wadaan oo ku aadan xariga Faadumo Taxadar.

Warbixinta MAP wararka danbe ayaad ku maqli doontaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM