Wariyihii Saldhiga Booliiska lagu hayey oo xabsiga dhexe ee Garowe loo gudbiyey.

Image

GAROWE, Puntland- Saxafiga Axmed Cali Kilwe oo toddabaad ku xirnaa Saldhig Booliis ayaa loo gudbiyey Xabsiga weyn ee Garowe iyadoo aysan amrin Maxkamad welina ma cadda danbiga uu u xiran yahay marka laga tego warar soo baxaya oo sheegaya in uu amray xarigiisa Madaxweynaha Puntland oo dhibsaday warar ku baahiyey bartiisa Facebook.

Ururka Saxafiyiinta Puntland ee Map ayaa xariga wariyahan canbaareyey waxayna shegeen in haddii danbi loo haysto ay ahayd in loo maro sharciga.

Wasaarada warfaafinta Puntland oo wax lagu waydiiyey xariga wariye Axmed Cali Kilwe ayaa cadeysay inaysan amrin waxna aysan kala socon 

Xariga Wariyeyaasha ee gudaha Puntland ayaan loo marin sharciga waxaana in badan dhacda in la xiro lana sii daayo iyadoo aan Maxkamad la gayn si loo ogaado danbiga loo haysto.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Puntland oo Xaqiijisay in Hoggaamiyaha Daacish uu Ka Baxsaday Buuraha Cal-Miskaad

Wuxuu sheegay in dowladda Puntland ay ka hortagtay halis weyn oo ku wajahnayd Soomaaliya oo dhan.

  • Puntland

    16-06-2025

  • 08:47AM

Puntland oo Taageero u Muujisay Jubbaland, Digniinna u Dirtay Dowladda Federaalka

Madaxweynaha Puntland ayaa si adag u dhaleeceeyay in dowladda federaalka ay isku daydo in ay wiiqdo awoodda maamulka Jubbaland.

  • Puntland

    15-06-2025

  • 11:02AM