Wasaarada Arimaha gudaha Puntland oo ka maqan doorashada golaha Degaanka Galkacayo

Image

GAALKACAYO- Doorashada golaha Degaanka Degmada Galkacayo oo Ka dhacdey xarunta dowlada hoose ee magaalo madaxda gobolka Mudug ayaa waxaa maamulayey guddi gaar ah oo uu Madaxweynaha Puntland u magacaabey. 

Madaxwynaha Puntland ayaa ku aamini waayey Wasaarada Arimaha gudaha Puntland howshaan kadib markii golayaasha Degaanka qaar ka tirsan degmooyinka Puntland ku dhamaadeen muran iyo is-qab-qabsi xoog leh.

Waxaa dhowaan fashil ku dhamaadey dhismaha golaha Degaanka Degmada Dangorayo kadib markii Wasaarada Arimaha gudaha iyo madaxda gobolka Nugaal faragalin toos ah ku sameeyeen doorashadaas.

Magaalada Boossaso oo Wasiirka Wasaarada Arimaha gudaha hogaminayey guddigii dhisayey golaha Degaanka ee gobolkaas ayaa muran ka dhashey waxaa uu gaarey Maxkamada sare ee Puntland.

Xukuumada Puntland ayaa tan iyo intii ay la wareegtey talada dalka waxay bilowdey iyada oo aan sharciyada u Marin iney kor dhiso tirada golayaasha Degmada Puntland taasoo dhalisay muran iyo dib u xisaabtan beelaha dhexdooda ah.

Wasiirka howlaha guud ee Puntland ayaa madax ka ahaa guddiga dhisayey golaha Degaanka Galkacayo isagoo ah shaqsi aad ugu dhow Madaxwyne Gaas.

Madaxweynaha Puntland oo kor ka maamulayey xulashada iyo doorashada golaha Degaanka Galkacayo ayaa dhinaciisa xubnaha golahaan ku kordhiyey 4 xubnood kuwasoo ka caawiney inuu soo baxo duqa Degmada uu ka balanqaadey mid kamid ah beelaha gobolka.

GAROWEONLINE 

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM