Wasaarada caafimaadka PL oo soo bandhigtay qorshaheeda 2015

Image

December 23, 2014 (GO)- Xarunta wasaarada caafimaadka ee Puntland waxaa maanta lagu qabtey kulan wada tashi ahaa islamarkaana diiradda lagu saaray waxqabadka wasaaradda ee sanadkan sii dhamaanaya iyo weliba qorshe howleedka u degen sanadka soo socda.

Kulanka waxaa kasoo qayb galay mas'uuliyiinta ugu sareysa wasaarada, saraakiil ka socotey hay'adaha ay wasaarada caafimaadka wada shaqeeyaan iyo weliba xubno laga casumay qaybaha kala duwan ee bulshada.

Markii uu soo gaba gaboobay kulanka oo muddo hal maalin ah soconayey ayaa waxaa Radio Garowe uga waramay qodobadii ugu muhiimsanaa ee kasoo baxay agaasimaha guud ee Wasaarada Caafimaadka Cabdirisaaq Xirsi Xasan.

Wuxuuna sheegay in sanadkii lasoo dhaafay wasaaradu waxyaabo badan ka qabatay dhanka kor u qaadista adeegyada asaasiga ah ee caafimaadka iyo weliba tabobarista xirfadleyaasha caafimaadka.

Madaxda Wasaarada caafimaadka oo bishii hore barlamanku su'aalo weydiiyeen waxaa arimihii xildhibaanadu kala doodeen kamid ahaa qorshaha wasaarada uga degen cudurada halista ah ee faafa, gaar ahaan cudurka Ebola oo sanadkan dunida in ka badan shan kun oo qof ku diley.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidanka Difaaca Dowladda Puntland oo Muujiyay Inay Yihiin Laf-Dhabarta Amniga Soomaaliya

Howlgalladan guuleystay ee PDF ayaa noqonaya mid xoojinaya doorka Puntland ee ku aaddan la-dagaallanka argagixisada.

  • Puntland

    20-08-2025

  • 06:23AM

Ciidamada Puntland oo Horumar Ballaaran Ka Sameeyay Dagaalka ISIS ee Buuraha Cal-Miskaad

Cutubka 1-aad ee ciidamada difaaca Puntland ayaa howlgallo is-daba-joog ah ka wada jihooyin badan oo buuraleyda Cal-Miskaad ah.

  • Puntland

    18-08-2025

  • 12:40PM