Wasaaradda Cadaaladda Puntland oo shaacisay Roob doon

Image

10 Octobar, 2015(GO)-Kulan maanta ka dhacay wasaaradda cadaaladda, Arrimaha Diinta iyo dhaqan celinta Puntland ayaa lagu shaaciyay Roob doon ka dhacaysa Puntland oo dhan maalinta Isniinta ee soo socota.

Ku-xigeenka wasiirka wasaaradda cadaaladda Puntland, xubno ka tirsan shaqaalaha wasaaradda iyo Shiikh Maxamud Xaaji Yuusuf ayaa kulanka shaacinta ka qayb galay.

Wasiir ku-xigeenka wasaaradda cadaaladda Puntland Maxamed Faarax Aadan ayaa ku dhawaaqay in maalinta Isniinta dhici doonto isu soo bax Roob doon oo ka dhacda guud ahaan Puntland, waxaana bulshada qaybahooda kala duwan ee ku sugan magaalooyinka, tuulooyinka iyo miyiga ugu baaqay inay ka qayb qaataan Roob doonta.

Shiikh Maxamud Xaaji Yuusuf, ayaa dhankiisa ka hadlay muhiimadda ay leedahay in ALLE la baryo xilliyada abaaraha, waxaana uu xusay in Roob doontu tahay Sunne uu jideeyay Nabigeenna (NNKH).

Horay waxaa qaybo ka mid ah Puntland lagu qabtay banaan baxyo Roob doon kuwaasi oo lagu qabtay Kar-kaar iyo Sanaag.

Qaybo ka mid ah Puntland, waxaa ka jira abaaro iyo Roob la'aan xilli lagu guda jiro waqti Roobaadka Dayrta.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM