Wasaaradda warfaafinta Puntland oo wariye shaqada ka joojisay

Image

11 November, 2015(GO)-Amar ka soo baxay wasaaradda warfaafinta Puntland ayaa shaqada looga joojiyay wariye Jamac Yuusuf Dabaraani oo ka hawl gala telefishinta Somali Channel ee magalada Garowe.

Waraaqdan ka hor ayaa wariyahaasi loogu hanjabay in shaqada laga joojinayo, iyadoo aysan jirin sabab rasmi ah oo kaliftay inuusan ka shaqayn gudaha Puntland.

Warqada wasaaradda kuma xusna eedaymaha loo haysto Debarani, waxaana falkaan imaanayaa xilli wasaaraddu waayadan ku kacaysay tallaabooyin lagu caburinayo saxaafadda Puntland.

Wariyaha shaqada laga joojiyay, ayaa dhawaan waraysiyo kala duwan ka qaaday mas'uuliyiin uu ka midyahay wasiirka warfaafinta Puntland Maxamud Xasan Soocade, kaasi oo sheegay in Khaatumo uu ku taageerayo Qabyaalad isagoo wasiir Puntland ah.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM