Puntland: Lacagta imtixaanaadka oo la dhimay

Image

GAROWE- Shir jaraa'id oo maanta magalada Garowe ku qabtay wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare Puntland Abshir aw-Yuusuf Ciise, ayuu kaga hadlay dood waalidiinta Puntland gaar ahaan kuwa dhallaankooda dhigtaan dugsiyada sare ka keeneen lacag lagu kordhiya ardayda ka baxaysa dugsiyada sare iyo dhexe ee Puntland. 

Wasiirka ayaa sheegay in wasaaraddu $10 ka dhintay racagtii la kordhiyay Ardayda oo markii hore laga dhigay $40. Abdshir aw-Yuusuf, waxuu tilmaamay inaan isbadal lagu samayn lacagta lagu kordhiyay Ardayda dugsiyada dhexe gaar ahaan fasalka 8-aad oo laga dhigay $15.

Abshir, ayaa carrabka ku dhuftay inay tixgaliyeen baahida shacabka gaar ahaan dadka danyarta ah ee aan lacagtaasi bixin karin, isagoo xusay in mustaqbalka xal u heli doonaan culayska shacabka la saaray. 

Kordhinta lacagta imtixaanaadka Puntland, ayaa timi kadib markii Midowga Yurub joojiyay deeq lagu kabi jiray qaybta imtixaanaadka Shahaadiga ah. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM