Wasiir Dirir: Xasan Sheekh kama taliyo Puntland

Image
Wasiirka ayaa yiri: "Xasan Sheekh Caasimada ayuu magac u yaal ku jooga, oo ajnabi ku ilaaliyo”.

Garowe, Soomaaliya - Wasiirka Warfaafinta ee Maamulka Puntland Maxamuud Ceydiid Dirir ayaa ka jawaabay go’aankii dowladda Soomaaliya ay ku amartay in la xiro Qunsuliyadda Itoobiya ee Garowe iyo Cayirnta Safiirka Itoobiya u jooga Muqdisho.

Wasiirka ayaa sheegay in dowladda Federaalka ay ku fashilantay xoojinta dowladnimada iyo in dalka laga xoreeyo xagjirnimada, isagoo carabka ku dhuftay in aysan ka talin Puntland.

“Dowladdu waxay ka kooban tahay dal iyo dad, amarkeeduna waa inuu noqdaa mid la fuliyo, Xasan ma fulin karo xukunkiisa, dal iyo dad toona ma haayo, Caasimada ayuu magac u yaal ku jooga, oo ajnabi ku ilaaliyo”. ayuu yiri wasiirka.

Wasiirka oo wareysi la yeeshay VOA ayaa sheegay, in Sharciga kala hagayay Dowldada Federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah uu ahaa Dastuurka KMG, balse uu laalay madaxweynihii hore ee dalka, sida uu hadalka u dhigay.

Wasiirka oo eedeymo culus u jeediyay Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in uu qortay dastuur isaga gaar u ah, isaga oo intaas ku daray in Puntland ay la shaqeynayso oo kaliya Ciddi ku dhaqanta dastuurka KMG ee la ansixiyay 2012.

Mar uu ka hadlayay heshiiskii Itoobiya, Wasiirka ayaa sheegay in Soomaaliya iyo Itoobiya aysan wax dhibaato ah ka dhaxeynin, balse ay ka dhaxayso Xasan Sheekh iyo Itoobiya, isagoo tusaale u soo qaatay wada hadalladii Xasan Sheekh Itoobiya la yeeshay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM