Wasiir Dirir: Xubno katirsan Daacish ayaa isku dhiibay Ciidamada Puntland

Image

GAROWE, Puntland - Wasiirka Warfaafinta Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir, ayaa shaaca ka qaaday in dagaalyahano Ajaanib ah oo katirsan kooxda Daacish ay isku soo dhiibeen ciidamada, xilli howlgalo ballaaran uu ka socdo gobolka Bari.

Wasiirka ma uusan shaacin dalalka ay ka soo jeedaan, balse wuxuu xusay inay dowladda Puntland la kaashanayso hay'adaha caalamiga ah sida Hay'adda Socdaalka Adduunka (IOM) iyo Bisha Cas in dib loogu celiyo dalalkoodii ay ka yimaadeen.

Bishii la soo dhaafay, ugu yaraan 8 ka tirsan Daacish oo u kala dhashay dalalka Yemen, Tunisia, Tanzania, Algeria, iyo dalal kale ayaa lagu dilay weerar la fashiliyay oo lagu qaaday saldhig ciidan oo ku yaalla deegaanka Dharjaale ee gobolka Bari ee Puntland.

Daacish faraceeda Soomaaliya waxaa Puntland ku aas aasay hogaamiyihii hore ee Al-Shabaab Cabdulqaadir Muumin dabayaaqadii sanadkii 2015. Kooxdan ayaa kula tartanta Al-Shabaab maamulida gobolka iyo lacagaha ay ka qaataan ganacsiga Boosaaso.

Dhinaca kale, Wasiirka Warfaafinta Puntland ayaa meesha ka saaray wararka la isla dhexmarayo ee sheegaya in dagaalyahanadan Ajaanibka ah laga saarey Cafiskii Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni u fiyay dagaalyahanada katiran Al-Shabaab iyo Daacish ee kasoo baxa kooxahan hadda ku socdo gulufka dagaal.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM