Wasiir Juxaa oo ku adkaystay in muddo xileedka loo kordhiyo Siciid Deni

Image

GAROWE, Soomaaliya - Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland Cabdi Faarax Juxaa ayaa sheegay in xukuumadda Madaxweynaha mudda xilleedkiisu gabaabsiga yahay Saciid Cabdullaahi Deni aysan diyaar u ahayn in ay ka tanaasulaan mowqifkooda ku aadan doorashada.

Wasiirku waxa uu sheegay in aanay tixgelin doonin go’aamada ay soo saaraan Isimmada, maadaama uu khilaaf uu ka dhexeeyo sida uu hadalka u dhigay.

“Khilaafka u dhaxeeya Isimmada Dhaqanka Puntland ayaa ka qoto-dheer kan u dhaxeeya siyaasiyiinteeda, go’aanka Isimmadana ma aheyn mid loo dhan yahay.” ayuu yiri wasiirka.

Wasiirka ayaa sidoo kale khilaafka doorashada ku soo koobay siyaasiyiinta ka soo jeeda gobolka Nugaal, isagoo sheegay in xisbiyada oo kaliya ay saameyn ku yeelan karaan wax-ka-baddalka hannaanka doorashada.

Hadalka wasiirka ayaa imaanaya xilli inta badan ururada siyaasadeed ay ka soo horjaysteen hanaanka doorasho oo uu doonayo Madaxweyne Deni in uu muddo xileedkiisa ku korosado sida ay qabaan qaar ka mid ah Mucaaridka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Gollaha Wakiillada Puntland oo Xubinimo ka qaaday Cabdirashiid Yuusuf Jibriil

Cabdirashid, oo dhowaan dib ugu soo noqday Puntland, ayaa lagu eedeeyey inuu khatar geliyey amniga guud ee Puntland.

  • Puntland

    15-07-2025

  • 12:42PM

Duqeyn Cirka oo Mareykanku Ka Fuliyay Puntland

Wuxuu ballan qaaday in Mareykanku sii wadi doono taageerada uu siiyo ciidamada Soomaaliya si ay u gaaraan xasillooni buuxda.

  • Puntland

    08-07-2025

  • 12:35PM