Wasiir Karaash oo Bosaso gaarey, maxay tahay ujeedadu? [DHEGEYSO]

Image

August 4, 2015 (GO)- Wafdi oo uu hogaaminayo Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha Puntland Axmed Cilmi "Karaash" ayaa safar shaqo ku tegey magaalada Bosaso ee xarunta gobolka Bari.

Karaash oo saxaafadda la hadlay markii uu Bosaso gaarey, ayaa ka war bixiyay ujeedada safarkiisa, wuxuuna sheegay in uu salka ku hayo dhismaha golaha deegaanka ee Bosaso iyo weliba kulamo uu la qaadan doono wakiillo ka socda Qaramada Midoobey iyo hay'adaha samafalka.

Wasiirku wuxuu dhanka kale baaq u diray isimmada iyo waxgaradka degmada Bosaso, isagoo ka codsaday inay soo dedejiyaan soo xulista xildhibaannada cusub ee golaha deegaanka.

Booqashada Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland ee Bosaso ayaa kusoo aadaysa xilli isla maaanta uu magaalada Bosaso kusoo wajahan yahay Ku-xigeenka Wakiilka Qaramada Midoobay ee Somaaliya Raisedo Zerenga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM