Wasiir katirsan Puntland oo ku dhintay Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa saaka oo Jimco ah magaalada Muqdisho ku geeriyooday Allah ha u naxariistee Wasiirkii Beeraha iyo Waraabka dowladda Puntland, Cabdinuur Cilmi Maxamuud [Biindhe].

Geerida Wasiirka waxaa warbaahinta u xaqiijiyay Xildhibaan Sharma'arke Garaad Saleebaan, oo kamid ah Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Wasiirka ayaa u geeriyooday xanuunka Sonkorta [Diabetes], oo la jiifay Isbitaal ku yaalla magaalada Muqdisho. Mas'uuliyiinta Puntland iyo dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka tacsiyadeeyay geerida ku timid Marxuumka.

Inta uusan wasiirka noqon, Cabdinuur ayaa 2013-kii soo noqday Madaxweynaha Khaatumo, isagoo kaalin kasoo qaatey sidii gobollada Sool iyo Sanaag u yeelan lahaayeen maamul ka madax-banaan Somaliland iyo Puntland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Guulo Waaweyn Ka Gaaray Howlgalka Ka Dhanka ah ISIS

Sanado badan, buuraleyda Cal-Miskaad ayaa ahayd goobaha ugu muhiimsan ee ay argagixisadu ku dhuumaalaysato.

  • Puntland

    04-09-2025

  • 12:11PM

Puntland oo ku eedeysay Madaxweyne Xasan Sheekh inuu jabiyay Dastuurka Soomaaliya

Ilaa hadda, madaxtooyada Soomaaliya kama aysan jawaabin eedeymaha kasoo yeeray Puntland.

  • Puntland

    01-09-2025

  • 06:58AM