Wasiir katirsan Puntland oo ku dhintay Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa saaka oo Jimco ah magaalada Muqdisho ku geeriyooday Allah ha u naxariistee Wasiirkii Beeraha iyo Waraabka dowladda Puntland, Cabdinuur Cilmi Maxamuud [Biindhe].

Geerida Wasiirka waxaa warbaahinta u xaqiijiyay Xildhibaan Sharma'arke Garaad Saleebaan, oo kamid ah Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Wasiirka ayaa u geeriyooday xanuunka Sonkorta [Diabetes], oo la jiifay Isbitaal ku yaalla magaalada Muqdisho. Mas'uuliyiinta Puntland iyo dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka tacsiyadeeyay geerida ku timid Marxuumka.

Inta uusan wasiirka noqon, Cabdinuur ayaa 2013-kii soo noqday Madaxweynaha Khaatumo, isagoo kaalin kasoo qaatey sidii gobollada Sool iyo Sanaag u yeelan lahaayeen maamul ka madax-banaan Somaliland iyo Puntland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Puntland oo baaraysa gacmo shisheeye oo lala xiriirinayo kororka burcad-badeedda

Puntland waxay sheegtay in duqeymaha noocaas ahi ay dhaawici karaan iskaashiga…

  • Puntland

    21-08-2026

  • 07:55PM

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM