Wasiir laga dhigay Guddoomiyaha KMG ah ee Boosaso

Image

GAROOWE, Puntland- Madaxweynaha Puntland oo maanta kala diray golihii deegaanka degmada Boosas, ayaa soo saaray wareegto uu Guddoomiyaha iyo ku-xigeenka xarunta gobolka Bari uga magacaabayo mas'uuliyiin KMG ah.

Shakhsiyaadka cusub waxaa kasoo muuqday wasiir katirsan Xukuumadda Puntland oo laga dhigay Guddoomiyaha KMG ah ee degmada Boosaso.

Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan, oo ah wasiir ku-xigeenka wasaaradda Maaliyadda Puntland, ayaa laga dhigay Guddoomiyaha KMG ah ee degmada Boosaaso, halka ku-xigeen laga dhigay, Siciid Cabdirxmaan Maxamed.

Arrintan ayaa imaanaysa xilli uu jiray khilaaf hoose oo u dhaxeeya Guddiga amniga gobolka Bari oo uu kamid yahay Guddoomiyihii golaha deegaanka Boosaso, Yaasiin Mire Maxamud, kuwaasoo bishii hore shaqo joojin ku sameeyay taliyaha qaybta gobolka Bari, oo ay isku dhowyihiin Madaxweyne Gaas.

Hoos ka Akhriso Digreetada mas'uuliyiintan xilalka loogu magacaabay;

Xeer Madaxweyne Lr.32 March 01, 2018, kuna saabsan magacaabid Guddoomiyaha Iyo Gudoomiye Ku Xigeenka Kumeel Gaarka ah ee Degmada Boosaaso.

Madaxweynaha Dawladda Puntland.

Markuu arkay: Dastuurka dawladda Puntland.

Markuu tixgaliyey: Baahida loo qabo in ay sii socoto shaqada maamulka Degmada Boosaaso.

Marku Qiimeeyey: Tala soo Jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Dawladaha Hoose iyo Horumarinta reer miyiga.

1. Waxaa Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan si ku meel gaara loogu magacaabay Guddoomiyaha Degmada Boosaaso.

2.Waxaa Siciid Cabdirxmaan Maxamed si ku meel gaar ah loogu magacaabay ku - Xigeenka Guddoomiyaha Degmada Boosaaso.

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxeexo, wuuna saxeexay Madaxweynuhu.

GAROWE ONLINE

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM