Wasiir Qarjab "21 qof ayaa gobolka Bari kooxaha Argagixisadu ku dishay"

Image

GAROWE, Puntland- Wasiirka wasaaradda Amniga Puntland, Cabdi Xirsi Cali Qarjab ayaa maanta dib ugusoo laabtay magaalo Madaxda Garowe kadib safar muddo qaatay oo arrimo caafimaad ugu maqnaa dalka dibadiisa.

Soo dhaweyn ayaa loogu sameeyay duleedka magaalada Garowe, wuxuuna ka hadlay xaaladiisa caafimaad isagoo sheegay inay aad u wanaagsanyahay.

Wuxuu soo hadal qaaday arrimo ku aadan nabad-galyada Puntland iyo gurmadka abaaraha, wuxuuna sheegay in kooxaha nabad-diidka ah hortaaganyihiin in kaalmo loo aruuriyo dadka shacabka ah. Kooxaha argagixisada ah ee ku sugan gobolka Bari, ayuu sheegay inay dileen in kabadan 21 ruux.

"Waad garan kartaan gobolka Bari ilaa 21 qof ayaa kooxaha Argagixisadu ee Al  Shabaab iyo Daacish ku dileen inta u dhaxaysay bishan iyo tii hore,"Ayuu yiri mudane  Qarjab oo warbaahinta Garowe kula hadlayay.

Wasiirka ayaa dowladda iyo shacabka ugu baaqay in lala shaqeeyo laamaha amniga si nabad-galyada gacanta loogu dhigo.

Qarjab ayaa intaas ku daray in gobolka Bari uu joogay muddo sideed casho ah islamarkaana ka qabteen howlo badan, balse wuxuu qiray in bulshada la cabsi galiyay.

Mudane Qarjab ayaa dhinaca kale xusay in shacabka Somaliyeed aad u daallanyihiin islamarkaana u baahanyihiin wax-qabad.

Madaxweynaha cusub ee Somalia, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa hambalyo u diray.

Cabdi Xirsi Cali Qarjab ayaa muddo 5 bilood ah safar caafimaad ugu maqnaa dalka India, kadib markii uu ku dhaawacmay shaqaaqo dhex-martay saraakiil katirsanayd Booliiska Puntland waqti lagu sugnaa Bosaso.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo qabtay Ajaaniib sameynayay Kalluumaysi Sharci-darro ah 

Safaaradda Yemen ee magaaladda Muqdisho iyo hay’adaha kale ee Soomaaliyeed ayaa lagu wargeliyay arintan.

  • Puntland

    26-05-2025

  • 08:01AM

Deni: Xisbiga Xasan Sheekh wuxuu khatar Ku yahay Nidaamka Federaalka iyo Jiritaanka Jubaland

Xasan Sheekh ayaa lagu eedeeyay inuu wado qorshe doorasho uu maamulkeeda kaligiis leeyahay, natiijadeedana uu sii ogyahay.

  • Puntland

    14-05-2025

  • 12:11PM