Wasiir Soocade “ Khaatumo qabyaalad ayaan ku taageerayaa anoo wasiir ah” [Dhagayos]

Image

07 November, 2015(GO)-Wasiirka wasaaradda warfaafinta Puntland Maxamud Xasan Soocadde ayaa ka hadlay arrimo dhawr ah oo ku saabsan howlaha xukuumadda madaxweyne Gaas wado iyo kuwa la xiriira shakhsi ahaantiisa

Soocade oo waraysi siiyay telefishinta Somalichannel, ayaa tilmaamay in xukuumadda Gaas samaysay hawlo muhiim ah oo ay ka mid tahay; hagaajinta dhaqaalaha, samaynta garoomo diyaaradeed iyo furitaanka kastamo canshuureed.

Wasiirka oo wax laga weydiyay arrinta keentay gadoodka ciidamada hadii xukuumadda Gaas dhaqaalihii wax ka badashay, ayaa dafiray xuquuqda ciidamada sameeyay gadoodka, waxaana uu ku tilmaamay inay yihiin kuwo ka maqnaa dib u habaynta iyo tira koob lagu samaynayay ciidamada Puntland.

Waxaa kale oo iska fogeeyay tababar la musuq maasuqay oo loo qaaday dad badankood aan wariyaal ahayn kuwaasi oo loo diray dalka Uganda, wuxuuna tilmaamay cidii hawshaasi ka dambaysay inay mareen wajibaadkii ay lahaayeen.

Wasiirka warfaafinta Puntland Soocade, oo ka hadlay arrimaha Khaatumo ayaa sheegay inuu horay qabyaal ugu tageeri jiray haddan isagoo wasiir ah qabyaalad ku taageerayo, isla markaana uu qoriga qaadanayo hadii ay dagaal galayaan.

Arrintan ayaa dadka u dhuun daloola siyaasadda ku tilmaameen inay tahay, fashilka siyaasadeed ee ka muuqda xukuumadda Madaxweyne Gaas.

Horay uma dhicin, wasiir ka tirsan Puntland inuu warbaahinta ka shaaciyo qabyaalad lagu taageerayo koox ama qabiil.

Arrimaha Federaalka iyo dagaal beeleed ka dhacay deegaanada Puntland ayaa wasiirku kaga hadlay waraysiga.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Guulo Weyn Ka Gaaray dagaalka Buuraleyda Cal-Miskaad

Hawlgalka ayaa sidoo kale lagu helay meydadka dagaalyahanno la rumeysan yahay in lagu dilay duqeymo uu qaaday AFRICOM.

  • Puntland

    06-10-2025

  • 01:11PM

Markab Ganacsi oo Dab Qabsaday isagoo Kusoo jeeda Boosaaso, Puntland

Warbixinno dheeraad ah ayaa muujinaya in markabkan uu leeyahay shirkad lagu magacaabo HRM and Sons.

  • Puntland

    23-09-2025

  • 09:46AM