Wasiir Soocade oo ka hadlay xarigga Wariye Deparani [Dhagayso]

Image

23 November, 2015(GO)-Wasiirka wasaaradda warfaafinta Puntland Maxamud Xasan Soocade ayaa markii ugu horaysay ka hadlay xarigga Wariye Jaamac Yusuf Deparani oo muddo shan bari si sharci darro ah ugu xiran magalada Garowe Caasumadda Puntland.

Soocade oo waraysi gaar ah siiyay Idaacadda SBC, ayaa sheegay in Deparani ku xiranyahay dambi uu ka galay dalka iyo dadka Puntland dhawaanna maxkamad la soo taagi doono.

Waxa uu meesha ka saaray xarigga Deparani inuu salka ku hayo khilaaf labadooda ka dhaxeeya iyo waraysi uu dhawaan ka qaday, isagoo tilmaamay in waraysigaas ku qanacsanyahay isla markaana uusan ka laabanayn wixii uu TV-ga ka sheegay oo ahaa inuu qabyaalad ku taageerayo maamulka Khaatumo.

Mar wax laga weydiiyay sababta maxkamad la'aan u xiranayahay Deparani in ka badan 48 saac, ayuu sheegay in arrinta go'aamisay maxkamaddu.

Soocade ayaa sheegay hadii laga gar helo xilliga maxkamadda la isugu yimaado inuu ku gancayo go'aanka, oo  is difaaci doono.

Wasiirka ayaa diiday inuu ka hadlo eedaha lagu xiray Wariye Jaamac, wuxuuna tilmaamay inuusan ka hordhacay maxkamadda.

Soocade ayaa Wariyahaasi ku eedeeyay daalac dhac saxaafadeed iyo inuusan u bislayn qaanuunka saxaafadda, wuxuuna ku tilmaamay mid doonayo inuu caambaxo, balse uu marayo tallaabooyin khaldan.

Jamac Deparani, ayaa muddo ku xiran magalada Garowe, waxaana xarigaasi Cambaareeyay Xildhibaano, dadka u dooda xuquuqda Aadanaha ururada Saxaafada iyo wariyaasha ku nool Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM