Wasiirka amniga oo ka hadlay colaadda Karkaar

Image

December 16, 2014 (GO)- Dowladda Puntland ayaa ka hadashay dagaal u dhexeeya labo beelood oo kasoo cusboonaaday bariga gobolka Karkaar.

Wasiirka Amniga Xasan Cismaan Alloore oo shir-jaraa'id magaalada Garowe ku qabtey ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay dagaalkaas oo sida uu sheegay ah mid micno darro ku bilowday muddo dheerna soo jiitamayey.

Aloore wuxuu intaas ku daray in dowladdu faraha ka laaban doonin colaadaas islamarkaana lala xisaabtami doono odayaasha iyo waxgaradka labada dhan oo sida wasiirku sheegay gabay mas'uuliyadii arintaas ka saarneyd.

Tobanaan qof ayaa ku geeriyoodey colaadda oo muddo lix sano ka badan soo jiitameysey.

Marar badan ayaa laysku dayey sidii colaadaas xal waara looga gaari lahaa iyadoo la qabtay shirar badan oo odayaasha iyo waxgaradka labada beelood ku heshiiyeen.

Labo todobaad kahor ayey ahayd markii ergooyin labada dhan ka kala socdaa Garowe ku saxiixeen heshiis nabadeed oo dowladu garwadeen ka ahayd.

Wasiirka Amniga Puntland shirkiisa jaraa'id kuma soo hadal qaadin sii deyntii saraakiil ka tirsan Al-shabab oo shalay xabsiga laga sii daayey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni: Dalal Shisheeye ayaa doonaya inay Burcad-badeednimada u Adeegsanaya Boobka Khayraadka Puntland

Deni ayaa sidoo kale xusay hawlgalladii hore ee ciidamada badda ee dalalka shisheeye ay ka fuliyeen xeebaha Soomaaliya.

  • Puntland

    31-08-2026

  • 06:09AM

Dhulgariir cabbirkiisu yahay 6.0 oo ka dhacay xeebaha Puntland

Wasiirku wuxuu intaas ku daray in dadka dhulka ku nool aysan dareemin gariirka, sababo la xiriira fogaanta uu dhulgariirku ka dhacay.

  • Puntland

    30-08-2026

  • 11:53AM