Wasiirka amniga oo ka hadlay colaadda Karkaar

Image

December 16, 2014 (GO)- Dowladda Puntland ayaa ka hadashay dagaal u dhexeeya labo beelood oo kasoo cusboonaaday bariga gobolka Karkaar.

Wasiirka Amniga Xasan Cismaan Alloore oo shir-jaraa'id magaalada Garowe ku qabtey ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay dagaalkaas oo sida uu sheegay ah mid micno darro ku bilowday muddo dheerna soo jiitamayey.

Aloore wuxuu intaas ku daray in dowladdu faraha ka laaban doonin colaadaas islamarkaana lala xisaabtami doono odayaasha iyo waxgaradka labada dhan oo sida wasiirku sheegay gabay mas'uuliyadii arintaas ka saarneyd.

Tobanaan qof ayaa ku geeriyoodey colaadda oo muddo lix sano ka badan soo jiitameysey.

Marar badan ayaa laysku dayey sidii colaadaas xal waara looga gaari lahaa iyadoo la qabtay shirar badan oo odayaasha iyo waxgaradka labada beelood ku heshiiyeen.

Labo todobaad kahor ayey ahayd markii ergooyin labada dhan ka kala socdaa Garowe ku saxiixeen heshiis nabadeed oo dowladu garwadeen ka ahayd.

Wasiirka Amniga Puntland shirkiisa jaraa'id kuma soo hadal qaadin sii deyntii saraakiil ka tirsan Al-shabab oo shalay xabsiga laga sii daayey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM

Puntland oo Qabanaysa Shir Ku saabsan Dhismaha Dawladnimada Soomaaliya

Madaxweyne Deni ayaa intaa ku daray, “Siyaasiyiintu mararka qaar waxay leeyihiin danahooda gaarka ah.

  • Puntland

    11-12-2025

  • 09:39AM