Wasiirka amniga Puntland oo tababar u xirey Booliska [Dhageyso]

Image

11 October, 2015 (GO)- Wasiirka amniga Puntland Cabdi Xirsi Qarjab ayaa maanta kuliyda Carmo tababar ugu soo xirey qaybo ka tirsan booliska Puntland.

Mudane Qarjab oo ka hadley munasabadaan ayaa booliska kula dardaarmey iney u adeegaan shacabkooda islamarkaana daacad ka ahaadaan howlaha ay u hayaan bulshada.

Qaybaha ka tirsan booliska Puntland oo tababarkaan u soo xirmey ayaa laga kala keeney gobolada Puntland kuwasoo la sheegey in tirakoob  lagu sameynayo islamarkaana aqoontooda ciidan kor loo qaadayo.

Taliyaha cusub ee ciidamada Booliska Puntland oo dhowaan loo magcaabey xilkaan oo sidoo kale goobtaas ka hadley ayaa ka codsadey booliska federaalka iney tageeraan booliska Puntland.

Dhinaca kale waxaa munaasabadaan ku sugnaa taliyaha ciidamada dowlada federaalka Somalia oo dhowaan safar ku yimid Puntland.

Booliska dowlada Federaalka oo awoodoodu yartahay ayaa tageero u badan gadiid iyo tababaro ka hela beesha caalamka ayaa safarka saraakiishooda ku timid Puntland u tahay guul balaaran.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo weeraray goob uu ku sugan yahay ku-xigeenka Hogaamiyaha Daacish

Wararka ayaa intaasi ku soo beegmaya iyadoo ciidamada Puntland ay si weyn uga go’an tahay in ay burburiso xarumaha muhiimka ah.

  • Puntland

    13-10-2025

  • 12:45PM

Ciidamada Puntland oo Guulo Weyn Ka Gaaray dagaalka Buuraleyda Cal-Miskaad

Hawlgalka ayaa sidoo kale lagu helay meydadka dagaalyahanno la rumeysan yahay in lagu dilay duqeymo uu qaaday AFRICOM.

  • Puntland

    06-10-2025

  • 01:11PM