Wasiirka arimaha gudaha Federaalka oo lagu soo dhoweeyey Bosaso

Image

BOSASO, Puntland- Wasiirka Arimaha gudaha Somalia ayaa 2/07/2017 si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Bosaaso ka dib safar dhanka dhulka ah oo uu kaga soo kicitimay magaalada Qardho ee xarunta gobolka Kar-kaar.

Gudoomiyaha gobolka Bari Yuusuf Maxamed Wacays Dhado ,duqa degmada Bosaso ,saraakiil ciidan iyo qaybaha kale ee bulshada ayaa wasiirka ku soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee magaalada Bosaso,iyada oo si weyn loo adkeeyay amniga magaalada.

“Waxaan rabaa inan halkan uga mahad-celiyay madaxda Somalia oo wasiir Juxa xilkan ku aaminay runtii waxa uu hormuud u yahay mas’uulyiin kala duwan oo horey Puntland xilal uga soo qabtay “ ayuu yiri gudoomiyaha gobolka Bari.

Wasiirka dekadaha Puntland Saciid Maxamed Raage oo kamid ahaa masuuliyiintii soo dhaweeyay Juxa ayaa  sheegay in magaalada Bosaso ay tahay magaalada kaliya ee cid walba marti-galisay ,isla markaana ay ku nool-yihin Somali badan oo ka soo kala jeeda gobolada dalka.

Wasiir Juxa oo isna goobta ka hadlay ayaa sheegay in uu jiro wal-wal ay bulshada Somaliyeed ka qabto dhanka amniga ,waxaana uu laamaha dowladda ka codsaday sidii gacan bir ah loogu qaban lahaa aminga,isla markaana lagula dagaalmi lahaa kooxaha xagjirka ah.

Ugu danbayn , wasiirka ayaa safaro kala duwan horey ugu soo maray magaalooyinka Garowe ,Eyl iyo Qardho ,waxaana dhamaan meelihii uu booqday uu kula soo kulmay qaybaha kala duwan ee bulshada oo ay ku jiraan xubnaha dowladda iyo waxgaradka.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Puntland oo Xaqiijisay in Hoggaamiyaha Daacish uu Ka Baxsaday Buuraha Cal-Miskaad

Wuxuu sheegay in dowladda Puntland ay ka hortagtay halis weyn oo ku wajahnayd Soomaaliya oo dhan.

  • Puntland

    16-06-2025

  • 08:47AM

Puntland oo Taageero u Muujisay Jubbaland, Digniinna u Dirtay Dowladda Federaalka

Madaxweynaha Puntland ayaa si adag u dhaleeceeyay in dowladda federaalka ay isku daydo in ay wiiqdo awoodda maamulka Jubbaland.

  • Puntland

    15-06-2025

  • 11:02AM