Wasiirka Beeraha Puntland: Xasan Sheekh wuxuu ka shaqaynayaa kala qaybinta bulshada Soomaaliyeed

Image
Wasiirka oo wareysi siiyay Aljazeera, ayaa dhaliilay go’aanada halka dhinac ah ee dowladda Federaalka.

Garowe, Soomaaliya - Wasiirka Beeraha ee Puntland Maxamed Cabdiqaadir Saalax oo wareysi siiyay Al-Jazeera ayaa ka hadlay khilaafka ka dhaxeeya dowladda Federaalka iyo Puntland ee la xiriira arrimaha wax ka beddelka dastuurka.

Wasiirka oo ka hadlay mowqifka Puntland, ayaa sheegay inay saluugsan yihiin go’aankan halka dhinac ah ee ay qaateen madaxda federaalka.

Wasiir Maxamed Cabdiqaadir Saalax ayaa sheegay in Puntland ay marwalba u taaganayd qabya-tirka Dastuurka, isaga oo intaa ku daray in ay ahayd in Dastuurka laga beddelo qodobo kooban balse Dowladda Fedraalka ay abuurtay dastuur Cusub.

Wuxuu intaa ku daray in dastuurka KMG uu qeexayo hanaanka ay tahay in loo maro furista dastuurka, kaas oo ay Dowladda Federaalka baal martay.

“Waxay ahayd in diirada la saaro la dagaalanka argagaxisada, taa beddelkeeda Xasan Sheekh iyo Kooxdiisa waxa ay ka shqeeyeen kala qeybinta bulshada,” ayuu yiri Wasiir Maxamed Donyale.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ansixiyay 4-ta cutub ee ugu horreeya dastuurka, oo ka mid ah qodobo taabanaya doorashooyinka iyo qaab dhismeedka dowladda, kaasoo ay ka biyo diideen Puntland iyo siyaasiyiin saameyn leh.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo qabatay 250 tuute oo ka yimid Galmudug kadib digniin ay dirtay

Puntland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe isku khilaafsanaa arrimo siyaasadeed iyo amni.

  • Puntland

    28-07-2026

  • 07:56AM

Puntland oo ku eedeysay DFS inay waddo qorshe lagu wiiqayo amnigeeda

Puntland ayaa sheegtay in isku daygii ugu horreeyay uu dhacay xilligii dagaalladii ka dhacay buuraha Calmiskaad bishii December 2024.

  • Puntland

    21-07-2026

  • 11:56AM