Wasiirka caafimaadka Puntland oo gaarey magaalada Galdogob

Image

23 August, 2015 (GO)- Wasiirka caafimaadka Puntland ayaa gaarey manata gaarey magaalada Galdogob oo ka tirsan gobolka Mudug halkaas oo si diiran loogu soo dhoweeyey.

Waftiga wasiirka ayaa waxaa kamid ahaa agaasimaha guud ee wasaarada caafimaadka, agaasimaha waaxda caafimaadka aasaasiga ah iyo saraakiil ka tirsan wasaarada.

Wasiir Naasir cuuke oo dhowaan xilkaan loo magacaabey ayaa booqashadiisu la xiriirta sidii uu ugu kuur gali lahaa xaalada caafimaad ee gobolada iyo degmooyinka Puntland.

Mudane Cuuke ayaa dhowaan booqasho ku tagey gobolada bari isagoo halkaas kula kulmey bulshada ku nool islamrkaana u kuur galey xaaladooda caafimaad.

Wasaarada caafimaadka Puntland oo waxqabadkeedu kor u kacey lixdii sano ee ugu dambeysay ayaa kamid ah hay'adaha dowliga ee fara-kutiriska ah ee sida loo ogmadey u qabsado howl-maalmeedkeeda.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Beenisay Eedeynta Wasiirka Difaaca Soomaaliya Axmed Maclin Fiqi

Fiqi ayaa sidoo kale ka hadlay eedeymo sheegaya in dagaalyahanno ajnabi ah loo dhoofinayay dagaallo ka socda dalal kale.

  • Puntland

    06-11-2025

  • 04:58PM

Dowladda Puntland oo bilowday qorshe cusub oo lagu xoojinayo awoodda Booliiska

Mas’uuliyiinta booliiska ayaa tilmaamay in isbeddelka socda uu horseeday in dhalinyaradii waxbarashada dhammeysay.

  • Puntland

    01-11-2025

  • 06:16AM