​Wasiirka Caafimaadka Puntland oo la shiray madaxa hay'adda Care

Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland- Wasiirka wasaaradda Caafimaadka Puntland Cabdinaasir Cismaan Cuke ayaa maanta kulan la qaatay madaxda hay'adda Care International ee Somalia Raheel Nasir.

Kulanka labada dhinac ayaa diiradda lagu saaray sidii kor loogu qaadi lahaa barnaamijyada hay'addu ka fuliso Puntland gaar ahaan dhinaca caafimaadka maadama Care International doonayso inay barnaamijyadeeda ku darto dhinaca caafimaadka.

Wasiir Cuuke oo shirka kadib faah faahin ka bixyay waxyaabaha ay kawada hadleen ayaa tilmaamay in labada dhinac diiradda wada saareen qaabkii ay uga wada shaqayn lahaayeen fidinta caafimaadka kaasoo muhiimaddu tahay in qof walba la gaarsiiyo adeegyada u baahanyahay ee dhinaca bad-qabka.

Wuxuu intaasi ku daray in shirkooda lagusoo hadal qaaday sidii barnaamijka Care soo waddo loo waafajin lahaa howlaha ay qabanayaa dumar gaaraya 60 qof oo dhawaan loo tabo baray sidii ay uga shaqayn lahaayeen adeegyada asaasiga ah ee dhinaca caafimaadka halka waxyaabaha aysan awoodin kusoo xiri doonaan dhinaca rugaha waaweyn si bukaanka loola tacaalo.

Kulankan ayaa ahaa kii ugu horreeyay ee labada dhinac yeeshaan, wuxuuna kusoo beegmay muddo kadib markii wasiirka Cabdinaasir Cuuke uu kasoo laabtay safar uu ugu kuurgalyay xaaladda caafimaad ee dadka ku dhaqan goobaha ka baxsan laamiga.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM