Wasiirka Dirir: Dowladda Federaalka Heshiis Qarsoodi ah ayay la gashay Al-Shabaab

Image

GAROWE, Soomaaliya – Wasiirka Warfaafinta ee Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir, ayaa Sabtidii si kulul ugu eedeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya inay heshiis hoose la gashay kooxda Al-Shabaab, kaddib markii ay ku guuldarreysatay difaaca dalka iyo la dagaallanka weerarrada ay kooxdaasi geysaneyso.

Isagoo la hadlayay warfidiyeenka magaalada Garowe, Wasiir Dirir wuxuu sheegay in heshiiskaasi loogu talagalay in lagu joojiyo gulufka dagaal ee kooxda Al-Shabaab, isagoo tusaale u soo qaatay xil ka qaadistii Taliyihii hore ee Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), Cabdullaahi Sanbalooshe, oo lagu beddelay Mahad Salaad, saaxiib dhaw la ah Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

“Villa Soomaaliya (madaxtooyada) waxay heshiis qarsoodi ah kula jirtaa Al-Shabaab,” ayuu yiri Dirir. “Si heshiiskaas loo dhaqan geliyo waxaa xilkii laga qaaday Taliyihii NISA Sanbalooshe, waxaana la hor istaagay dagaalkii ka socday gobolka Hiiraan ee lagula jiray Al-Shabaab.”

Wuxuu intaas ku daray in heshiiskan lagu doonayo in lagu hakiyo dagaalka lagula jiro Al-Shabaab, taas oo dhaawac ku ah howlgalada milatari ee ka socda gobollada dhexe iyo kuwa koonfureed ee dalka.

Hase yeeshee, Garowe Online si madax-bannaan ugama xaqiijin karo sheegashooyinka uu wasiirku sameeyay.

Siyaasiyiin mucaarad ah ayaa horey u sheegay in ay jiraan saraakiil ka tirsan dowladda federaalka iyo ciidamada qalabka sida oo la shaqeeya Al-Shabaab, taasoo caqabad ku noqotay dadaallada lagu doonayo in lagu soo celiyo nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM