Wasiiro ka tirsan Puntland iyo Galmudug oo ku baxay colaada Gabeedka Mudug

Image
Ku dhawaad labaatan ruux ayaa ku dhintay 50 kalana waa ay ku dhaawacmeen dagaal beeleedkan.

GAROWE, Puntland - Wasiiro katirsan maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa gaarey deegaamo katirsan Galbeedka gobolka Mudug oo ay ku dhinteen in ka badan 30 ruux kadib dagaalo u dhexeeya malayshiyaad kala taabacsan laba beelood.

Mas'uuliyiintaan oo ka kicitimay magaalada Galkacyo ayaa shaaciyey inay ku guulaysteen xabad joojin deg deg ah oo deegaamadaasi laga hirgeliyey.

Ku dhawaad labaatan ruux ayaa ku dhintay 50 kalana waa ay ku dhaawacmeen dagaal beeleed xooggan oo maanta dib uga qarxay galbeedka gobolka Mudug.

Dagaalkan ayaa dib uga bilowday miyiga deegaannada Maygaag, Jiicboor iyo Ooman, xilli la qorsheynayay in halkaa la geeyo ciidan isku dhaf ah oo kala dhex gala dhinacyada dagaallamaya.

Dagaalka oo saacado badan socday ayaa duhurkii iskiis u joogsaday, waxaana laga cabsi qabaa inuu dib u qarxi karo maadaama labada ciidan is horfadhiyaan. Dhaawacyada ka dhashay dagaalkan waxaa la gaarsiiyay isbitaallada magaalada Gaalkacyo, gaar ahaan dhinacyada Puntland iyo Galmudug.

Weli xal waara looma helin dagaalkan soo noq noqday, waxaana shalay natiijo la’aan ku dhammaaday kulan ay yeesheen mas’uuliyiin ka kala socotay Puntland iyo Galmudug. Waxaan ugu baaqayaa dhammaan dhinacyada inay nabadda ka shaqeeyaan, una tanaasulaan danta guud ee shacabka deegaanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM

Puntland oo Qabanaysa Shir Ku saabsan Dhismaha Dawladnimada Soomaaliya

Madaxweyne Deni ayaa intaa ku daray, “Siyaasiyiintu mararka qaar waxay leeyihiin danahooda gaarka ah.

  • Puntland

    11-12-2025

  • 09:39AM