Wasiirrada Arrimaha Gudaha iyo Amniga Puntland oo Garowe yimi

Image

19 December, 2015(GO)-Waxaa maanta Garowe lagu soo dhaweeyay wasiirrada wasaaradaha arrimaha Gudaha iyo amniga Puntland kadib safarro uga yimaadeen dalalka Kenya iyo Maraykanka.

Soo dhaweyn kadib waxaa saxaafadda si wadajir ah ula labada wasiir iyagoo ka warbaxshay safaradooda, waxaana wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland Axmed Cilmi Cismaan uu sheegay in safarkiisu qaatay bil iyo bar islamarkaan ku tagay waddamada Britain iyo USA.

Karaash ayaa sheegay inuu la soo kulmay bulshada ku nool labadaasi dal gaar ahaa jaaliyadaha Puntland iyo Jubbaland, wuxuuna tilmaamay inuu kala soo hadlay maalgashiga iyo hormarinta dalka.

Wasiirka ayaa sidoo kale xusay inuu lakulmay sarkaalka ugu sareeya Booliska magalada Boston ee dalka Maraykanka oo kala hadlay qaabkii labada dhinac isaga kaashan lahaayeen tababarada iyo aqoonta Boliiska.

Dhinaca kale wasiirka Amniga Puntland Cabdi Xirsi Cali Qarjab ayaa xusay inuu Kenya gaar ahaan Nairobi u tagay shir la xiriira amniga iyo hormarka, wuxuuna xusay inuu ugu soo dhammaaday guul.

Qarjab ayaa bulshada Puntland ku booriyay in looga baahanyahay sidii looga qayb qaadan lahaa hormarka dalka, wuxuuna ka mahadceliyay safarkii dheeraa ee wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland ku maqnaa.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM