Wasiirrada Puntland oo ka hadlay xanuuno ka dillaacay gobollada Cayn, Nugal iyo Sool

Image

GAROWE, Puntland- Shirka Khamiislaha ah ee golaha wasiirrada Puntland, oo maanta uu shir guddoomiyay Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Cabdixakiim Cabdullahi Cumar Camay ayaa looga hadlay arrimo kala duwan oo ay ku jiraa, xanuuno ka dillacay saddex gobol oo kala ah; Nugal, Sool iyo Cayn.

Kulanka ayaa sidoo kale lagusoo hadal qaaday arrimaha abaaraha iyo kor u qaadista dakhliga dowladda.

Wasiirrada Puntland, ayaa isku raacay in la labo jibaaro dadaalka loogu jiro caawinta dadkan, iyagoo xusay in ilaa 54 qof cudurro kala duwan ugu geeriyoodeen degmooyin katirsan saddexdaas gobol.

Waxaa sidoo kale warbixin looga dhagaystay qaar kamid ah golaha wasiirrada kuwaasoo ka waramay xaaladda amniga iyo abaaraha ka jira waddanka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM