​Waxbarashada Puntland oo la ammaanay

Image
Image
Image
Image

Wasiirka wasaaradda waxbarashada maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya, ayaa ka hadlay safar muddo saddex maalin ah uu ku joogay magaalo madaxda Puntland ee Garowe, kaasi oo salka ku hayay aqoon kororsi dhanka waxbarashada ah.

Saadaad Maxamed Nuur Caliyow, wasiirka wasaaradda waxbarashada Koonfur Galbeed oo la hadlayay Radio Garowe, ayaa Puntland ku ammaanay hormarka ay ka sameeyeen dhinaca tacliinta isagoo sheegay in socdaalkooda oo labo qayb ahaa la xiriiro sidii ay khibrad uga heli lahaayeen Puntland, maadama ay jirto muddo 19-sano ah.

Caliyoow, wuxuu sheegay inay wadaan dadaallo kor loogu qaadayo tayada waxbarashada iyo wax kabadal lagu sameeyo manhajka waxbarashada ee maamulkiisa, isagoo shaaciyay inay durba sameeyeen isbadal xoog leh.

Wuxuu sheegay inay ballanqaad ka heleen  Puntland, taasi oo ku aadan inay ka taageerayaan dhinacyada tayaynta macalimiinta iyo wax kabadalka manaahijta, isagoo uga mahadceliyay dowladda Puntland ahmiyadda ay siisay waxbarashada.

Socdaalkan, ayaa yimi xilli qorshe sidaan oo kale ah horay u sameeyeen maamulka Jubbaland kuwaasi oo tababaro iyo aqoon isweydaarsi dhinaca maaliyadda ah ka qaatay wasaaradda maaliyadda Puntland.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM