Waxgaradka Mudug: Deni Dalka ha u turo.

Image

GAROWE,Soomaaliya - Waxgaradka, Siyaasiyiinta Dhaqanka gobalka Mudug ayaa shir ay ku yeesheen magaalada Garowe ee Caasimada dowlada Puntland waxaa ay ugu baaqeen madaxweynaha xilhayntiisa Dastuuriga ah ay ka hareen wax ka yar sadex bil in uu u turo Puntland.

War-murtiyeed ay warbaahinta u akhriyeen ayaa lagu yiri" Ma muuqato suurtagalnimada Doorasho aan ahayn tii lagugu soo doortay oo Puntland ka dhici karta".

Golaha wakiilada Puntland oo 25 ka bishaan uu u furmanayo kalfadhigoodu u danbeeyay ayay waxgaradku usoo jeediyeen " in aan ceeb ku saaglotiyin reer Puntland".

Lifaaqa Doorashada Puntland ayaa sida caadadu ahayd lasoo saari jiray sanadka ugu danbeeya dhamaadka bisha 11aad ee November.

Dhawaan hadal jeedin uu sameeyay madaxweyne, Siciid Deni waxa uu ku dhawaaqay in Doorashada soo socota qof iyo cod lagu galayo balse waxaa ay mucaaradku ugu yeereen mid uu isagu ku tolanayo shaati isaga le'eg.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM

Puntland oo Qabanaysa Shir Ku saabsan Dhismaha Dawladnimada Soomaaliya

Madaxweyne Deni ayaa intaa ku daray, “Siyaasiyiintu mararka qaar waxay leeyihiin danahooda gaarka ah.

  • Puntland

    11-12-2025

  • 09:39AM