Waxgaradka Nugaal oo baaq kasoo saaray xiisadda ka taagan Qarxis [DHEGEYSO]

Image

June 25, 2015 (GO)- Waxgaradka iyo odayaasha gobolka Nugaal ayaa magaalada Garowe ku yeeshay kulan looga hadlay amniga gobolka, gaar ahaan xiisadda ka dhalatay ciidamada isku hor fadhiya deegaanka Qarxis.

Waxgaradka ayaa isku raacay in si wadajir ah laysaga kaashado ilaalinta nabdgelyada islamarkaana hal meel looga soo wada jeesto cid kasta oo loo arko in ay amniga iyo xasilloonida khal khal gelineyso.

Shirka waxaa lagu doortay guddi ka kooban 25 xubnood, kuwaasoo howshoodu noqon doonto xal u helista xiisadda taagan.

Baaqa waxgaradka iyo odayaasha gobolka Nugaal ayaa kusoo aadaya xilli shalay ay deegaanka Qarxis tageen qaar kamid ah culimaa'uddiinka Puntland, kuwaasoo la kulmay dhinacyada deegaankaas isku hor fadhiya uguna baaqay inay colaadda ka baaqsadaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Beenisay Eedeynta Wasiirka Difaaca Soomaaliya Axmed Maclin Fiqi

Fiqi ayaa sidoo kale ka hadlay eedeymo sheegaya in dagaalyahanno ajnabi ah loo dhoofinayay dagaallo ka socda dalal kale.

  • Puntland

    06-11-2025

  • 04:58PM

Dowladda Puntland oo bilowday qorshe cusub oo lagu xoojinayo awoodda Booliiska

Mas’uuliyiinta booliiska ayaa tilmaamay in isbeddelka socda uu horseeday in dhalinyaradii waxbarashada dhammeysay.

  • Puntland

    01-11-2025

  • 06:16AM