Puntland: Kalluumaysato ku neef-qabatimay gunta badda Xaafuun

Image
Kalluumaysatada oo 10 gaarayay ayaa la galay gunta hoose ee badda iyaga oo isticmaalaya mashiinka uu neefsiinta baabuurta.

GAROWE, Puntland - Hal qof ayaa geeriyooday, 2 kale oo lala tacaalayo waxaa loo gudbiyay Qardho kadib markii ay badda gunteeda ku neef qabatimoobeen kaluumaysato degmada Xaafuun ee gobolka Bari.

Kaluumaysatada oo 10 gaarayay ayaa la galay gunta hoose ee badda iyaga oo isticmaalaya mashiinka uu neefsiinta baabuurta u adeegsadaan Goomeystayaashu kaasi oo loo yaqaano "Hoo-Nuug".

Aaladaan oo aan loogu talo gelin in lala galo biyaha hoostooda ayaa kaluumaysatadu u isticmaalaan xilliyada qaar wallow ay adeegsigeeda ka digaan xeel-dheereyaasha arrimaha badaha.

Warka ku saabsan in ay sumoobeen kalluumaysatadu oo aan waydiinay wasaaradda ayay ku tilmaameen waxba kama jiraan iyaga oo ku adkaystay kaliya in Kaluumaysatadu ay adeegsadeen "Hoon-Nuug" oo aan loogu talo gelin Badda gunteeda.

Wasaaradda Kalluumaysiga iyo kheyraadka badda dowladda Puntland ayaa waxay ku doodey in ay mamnuucday "Hoo-nuug" 12 Oct 2020 iyada oo mar kale ku celisay mamnuucista bishii Febraayo ee sanadkii 2022-kii.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Markab Ganacsi oo Dab Qabsaday isagoo Kusoo jeeda Boosaaso, Puntland

Warbixinno dheeraad ah ayaa muujinaya in markabkan uu leeyahay shirkad lagu magacaabo HRM and Sons.

  • Puntland

    23-09-2025

  • 09:46AM

Lugatoor: Soomaaliya Halis ayay ugu Jirtaa Inay Ku Laabato Dowlad La’aan Haddii Federaalka La Ilaalin Waayo

Khilaafka u dhaxeeya Puntland iyo dowladda federaalka ah ayaa gaaray meel sare bishii Maarso 2024.

  • Puntland

    22-09-2025

  • 02:08PM