Xaalad adag oo laga soo sheegayo qaybo ka mid ah gobolka Gardafuu

Image

04 November, 2015(GO)-Wararka ka imaanaya gobolka Gardafuu ee Puntland ayaa sheegaya inay adagtahay xaaladda nolosha dadka ku sugan goobo xiran ka dib Roobab dabaylo watay oo gobolkaasi ka da’ay todobaadkan.

Agaasimaha mashaariicda iyo gurmadka masiibooyinka wasaaradda arrimaha gudaha Puntland Cawil Buulo oo caawa waraysi gaar ah siiyay Radio Garowe ayaa tilmaamay inay wadaan qorshayaal lagula tacaalayo xaaladda dadka Roobabku saameeyeen.

Wadooyin muhiim ah ayaa go’ay ka dib daadad soo rogmaday, mana jirto wax gar gaar ah oo ilaa hadda la gaarsiiyay meelaha xaaladda adag laga soo sheegayo ee gobolka Gardafuu.

Cawil Buulo ayaa sheegay inay jiraan hay’ado wax ballan qaaday waloow aysan jirin wax soo galay gacanta guddiga arrintaasi loo xil saaray kuwaasi oo qiimaynaya inta dhibku gaarsiisanyahay sida agaasimuhu sheegay.

Madaxda ugu saraysa ee Puntland weli kama hadlin arrintan marka laga reebo xubno ka socda wasaaradda arrimaha gudaha Puntland oo wada qaylo dhaan.

Qaar ka mid ah odoyaasha ku dhaqan goobaha duufaantu saamaysay oo warbaahinta la hadlay  ayaa dowladda ku dhaliilay inay ka gaabisay doorkii looga baahnaa, waxayna beesha caalamka ka codsadeen taakulayn.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Guulo Weyn Ka Gaaray dagaalka Buuraleyda Cal-Miskaad

Hawlgalka ayaa sidoo kale lagu helay meydadka dagaalyahanno la rumeysan yahay in lagu dilay duqeymo uu qaaday AFRICOM.

  • Puntland

    06-10-2025

  • 01:11PM

Markab Ganacsi oo Dab Qabsaday isagoo Kusoo jeeda Boosaaso, Puntland

Warbixinno dheeraad ah ayaa muujinaya in markabkan uu leeyahay shirkad lagu magacaabo HRM and Sons.

  • Puntland

    23-09-2025

  • 09:46AM