​Xaaladda deegaanka Dharkayn-geenyo oo dagan

Image

LAASCAANO- Xaaladda goobihii lagu dagaallamay gobolka Sool, ayaa maanta daganayd, kadib markii halkaasi gaareen ciidamo katirsan maamulka Soomaliland oo kala dhexgalay mallayshiyo beeleed muddoo labo maalmood ah dagaallamayay.

Xaaji Cabdilaahi Xirsi Aadan, oo kasoo jeeda mid kamid ah beelaha dagaallamaya, ayaa Radio Garowe u xaqiijiyay arrintaasi, wuxuuna sheegay inay socdaan waan waan nabadeed iyo dadaalo lagu joojinayo colaadda.

Wuxuu intaasi raaciyay in dagaalku ka kacay weerar lagu qaaday mid kamid ah duub dhaqameedka labada beelood, isagoo xusay in xilligaas loo fadhiyay kala qaadashada diyo horay labada dhinac u kala qabeen.

Dagaalkan ayaa ku soo noq noqday beelaha dhexdooda, waxayna horay u kala qabeen tabashooyin badan in kastoo marar badan hishiiyeen.

Xaajiga, ayaa tilmaamay inaysan arrintaasi faraha ka laaban doonin, waloow uu sheegay in mallayshiyadu wali hubaysanyihiin islamarkaana adag tahay in la xakameeyo ruux maan gaab ah oo dil u bareeray.

Dubabka dhaqanka ee beelaha dega gobolka Sool, ayuu sheegay inay arrintaasi soo dhexgaleen, isagoo intaasi raaciyay inay maamulka Soomaliland kala hadleen qaabki dhibka dhacay lagu joojin lahaa.

Ma sheegin wax gurmad iyo waaan waan kasoo gaartay dhinaca Puntland, balse wuxuu intaasi raaciyay in odoyaasha dhaqanku lasoo xiriireen xaalkana ka codsadeen dajintiisa.

In kabadan 20 ruux ayaa dagaalkaasi ku dhimatay, waxaana dhaawacmay tiro aan cadadkeeda rasmiga ah lahayn, kadib labo maalmood oo uu socday dagaal la isu adeegsaday hubka culculus.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM