Xaaladda degmada Baran gobolka Sanaag oo laga dayrinayo [Dhagayso]

Image

12 January, 2016(GO)-Gudoomiyaha degmada Baran ee gobolka Sanaag Cabdirsaaq Axmed ayaa kadayriyay nolosha dadka iyo duunyada ku nool gobolkaasi kadib abaaro iyo biyo yari soo foodsaartay.

Cabdirsaaq oo waraysi gaar ah siiyay Radio Garowe, ayaa tilmaamay inay liidato xaaladda nololeed ee dadka ku nool degmada Baran iyo tuulooyin hoos yimaada kuwaasi oo xusay inuu dhawaan kormeer ku tagay.

Wuxuu xusay in booyadda biyaha ah lagu keeno qiima lacageed oo gaaraya ugu badnaan $200 oo u dhiganta afar neef oo Ari ah taas oo laga qaadi doono xilliga wax isbadalaan sida uu sheegayo gudoomiyuhu.

Xaalad caafimaad darro ayuu tilmaamay in dadka soo foodsaareen kuwaasi oo kadhashay biyo la'aanta, isagoo xusay inay direen qaylo dhaan badan.

Duunyada wixii socon karay iyo dadka qaybtiisa ayuu sheegay inay u guureen gobollada kale ee Puntland si ay uga raadsadaan nolol dhaanta mid kajirta Sanaag.

Majirto cid dowladda katirsan oo arrintaasi waxka qabatay, balse gudoomiyaha degmada Baran ayaa sheegaya inay kala xiriireen dhibaatada jirta hay'adda masiibooyinka Puntland.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidanka Difaaca Dowladda Puntland oo Muujiyay Inay Yihiin Laf-Dhabarta Amniga Soomaaliya

Howlgalladan guuleystay ee PDF ayaa noqonaya mid xoojinaya doorka Puntland ee ku aaddan la-dagaallanka argagixisada.

  • Puntland

    20-08-2025

  • 06:23AM

Ciidamada Puntland oo Horumar Ballaaran Ka Sameeyay Dagaalka ISIS ee Buuraha Cal-Miskaad

Cutubka 1-aad ee ciidamada difaaca Puntland ayaa howlgallo is-daba-joog ah ka wada jihooyin badan oo buuraleyda Cal-Miskaad ah.

  • Puntland

    18-08-2025

  • 12:40PM