Xafadaha Magaalada Boosaaso oo la darisaynayo

Image

Waxaa maanta 16 August ,2014  magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari lagu daah-furey baarnaamij loogu magac daray  darisaynta xaafadaha Boosaaso kaasi oo loogu tala galay adkaynta ammanka  iyo hormarka xaafadaha Boosaaso.

Xildhibaanka arrimaha bulshada ee Golaha Deegaanka Degmada Boosaaso C/nuur Gallayr oo u waramayay Garowe Online ayaa sheegay in barnaamijkan laga hir galin doono dhamman 16 xaafaadood ee Boosaaso ka kooban tahay si loo adkeeyo ammaanka iyo hormarka arrimaha asaasiga ah ee bulshadu u baahantahay.

Xildhibaanku waxa uu sheegay inay mudooyinkii dambe wadeen qorshayaal lagu tira koobayo dadka ku dhaqan xaafadaha Boosaaso ,taasi oo ugu dambeyntii ku guuleysteen in hawshaasi ay daah furaan oo ay ka hir galiyaan xaafada "Girible B".

"Hadda maanta waxaa la daah furay sidii loogu hawl gali lahaa barnaamijka darisaynta taasi oo loogu tala galay in bulshadu is maamulaan oo maamulka degmada hoos loo daadajiyo" ayuu yiri xildhibaan Gallayr.

Ujeedka barnaamijkan Boosaaso laga daah-furay ayaa lagu sheegay inay ka qayb qaadanayso  adkaynta ammaanka iyo ogaanshaha cid kasta oo ku soo biirta xaafaha sida ay sheegeen maamulka Degmada Boosaaso.

GAROWE ONLINE.

Related Articles

Booliska Puntland oo Xabsiga Dhigay Haweeney Ku Eedeysan Dilka Gabar 14-Jirka Ah

Baaritaanka meydka ayaa muujiyay dhaawacyo badan, oo ay ku jiraan calaamado muujinaya in gabadha la ceejiyay iyo garaacis xoog leh.

  • Puntland

    15-11-2025

  • 07:40AM

Ciidamada Puntland oo Dilay Madaxii Qaraxyada Kooxda Daacish

Waxay intaas ku dareen in inta badan khubaro ISIS u qaabilsanaa qaraxyada gobolka la dabar gooyay, ayna ciidamada amniga...

  • Puntland

    12-11-2025

  • 09:45AM