Xaflad loogu qabtey Muqdisho madaxweynayaasha maamulada

Image
Image
Image
Image

MUQDISHO Feb 6,2015 [GO]- Waxaa xaley "Feb 5,2015" xaflad gobolka Banaadir soo agaasimey magaalada Muqdisho loogu qabtey madaxweynayasha maamulada Puntland, Jubaland iyo Koonfur Galbeed taasoo ay kasoo qayb galeen madaxda ugu sareysa dowlada Federaalka Somalia.

Xafladaan oo ay hadalo ka jeediyeen madaxweynaha dowlada Federaalka Somalia, Ra'isal wasaraha iyo Gudoomiyaha Barlamanka ayaa lagu gudoonsiiyey hadiyado madaxda Sadxedaas maamul.

Madaxweynaha dowlada Federaalka ayaa hadal uu ka jeediyey kaga codsadey Barlamanka dowlada Federaalka Somalia iney ansaxiyaan xukuumada cusub oo habeenkii xaley ahaa magacyadeeda la shaaciyey iyada oo dhameystiran.

Sidoo kale waxaa khudbado ka akhriyey goobta madaxweynayaasha dowlada Puntland, Jubaland iyo Koonfur Galbeed kuwaasoo sheegey iney ku faraxsan yihiin in kulankaan dhexmaro madaxda dowlada Federaalka ah iyo maamulada.

Kulankaan ayaa wararku sheegayaan in looga hadlayo qodobo ay ka mid yihiin higsiga 2016, New Deal-ka, sidii loo heli lahaa ciidamo Qaran iyo in dowlada Federaalka iyo maamulada kula hadlaan beesha caalamka Af qura.

GAROWEONLINE

Related Articles

Maxay Tahay Tallaabada ay Puntland Qaadeyso Haddii Dowladda Federaalka Faragelin ku Sameyso Amnigeeda?

Madaxweynaha dowladda Puntland ayaa sidoo kale sheegay in ciidamadda Puntland ay heegan buuxa ku jiraan...

  • Puntland

    01-07-2026

  • 11:03AM

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM