Xaflad loogu qabtey Muqdisho madaxweynayaasha maamulada

Image
Image
Image
Image

MUQDISHO Feb 6,2015 [GO]- Waxaa xaley "Feb 5,2015" xaflad gobolka Banaadir soo agaasimey magaalada Muqdisho loogu qabtey madaxweynayasha maamulada Puntland, Jubaland iyo Koonfur Galbeed taasoo ay kasoo qayb galeen madaxda ugu sareysa dowlada Federaalka Somalia.

Xafladaan oo ay hadalo ka jeediyeen madaxweynaha dowlada Federaalka Somalia, Ra'isal wasaraha iyo Gudoomiyaha Barlamanka ayaa lagu gudoonsiiyey hadiyado madaxda Sadxedaas maamul.

Madaxweynaha dowlada Federaalka ayaa hadal uu ka jeediyey kaga codsadey Barlamanka dowlada Federaalka Somalia iney ansaxiyaan xukuumada cusub oo habeenkii xaley ahaa magacyadeeda la shaaciyey iyada oo dhameystiran.

Sidoo kale waxaa khudbado ka akhriyey goobta madaxweynayaasha dowlada Puntland, Jubaland iyo Koonfur Galbeed kuwaasoo sheegey iney ku faraxsan yihiin in kulankaan dhexmaro madaxda dowlada Federaalka ah iyo maamulada.

Kulankaan ayaa wararku sheegayaan in looga hadlayo qodobo ay ka mid yihiin higsiga 2016, New Deal-ka, sidii loo heli lahaa ciidamo Qaran iyo in dowlada Federaalka iyo maamulada kula hadlaan beesha caalamka Af qura.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM